Search This Blog

Friday, May 22, 2009

Sheekh C/raxmaan Janaqoow oo difaacay hogaamiye kooxeedyada ka tirsan dawlada, isla markaasna Xassan Daahir iyo Xassan Turki ku tilmaamay kuwo danbi f

Dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa difaacday hogaamiye kooxeedyada ka tirsan baarlamaanka MQ ee Soomalaiya Iyadoo Xubnaha dawladu sheegeen in ay yihiin kuwo ka soo laabtay wixii xumaan ahaa oo hada diyaar u ah in ay wax ka dhisaan dalka.

Wasiirka garsoorka ee Dawlada ku meel gaarka oo maanta ka qaybgalayay Barnaamijka Hadal haynta Todobaadka ayaa sheegay in xilligaan aanay jirin wax la yiraa Hogaamiye kooxeed iskiis u qaata amar ama hawlgaliya maleeshiyo balse ay jiraan rag ka tirsanaan jiray hogaamiye kooxeedyadii oo hada fahmay danta dalka, dadka iyo dowladnimada waxa ay tahay.

Sheekh Janaqoow ayaa tusaale u soo qaatay Khaalid Binu waliid oo uu sheegay in

uu ahaa hogaamiye dhibaato badan u gaystay Asxaabtii kana qayb qaatay dagaalo badan oo looga soo horjeeday Nabi MUxamad SWC iyo Asxaabtiisii.

Khaalid Binu waliid waxaa uu Markii danbe noqday sarkaal toobadkeenay una adeegay diinta qaatayna awaamiirtii Nabi Muxamad CSW, isagoo markii danbana ka qayb galay dagaalo lagu jabiyay Gaalada iyo kuwii cadawga ku ahaa Islaamka. Ayuu ku dooday Wasiirka garsoorka C/raxmaan Janaqoow.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in maanta ay soo baxeen hogaamiye kooxeedyo kale oo badalay Kuwa hada ka tirsan dawlada , waxaana ay ahaayeen Hogaamiye kooxeedyadaani kuwo shalay fiicnaa oo u dagaalamayay Danaha Shacabka balse maanta taa badalkeedii wado wax aan dan u ahayn Shacabka.

Hadii aad Maqli Jirtay Muuse suudi , Qanyare, Maxamad Dheere Waxaa hada aad maqlaysaa Hogsaamiye Kooxeedyo kale oo uu ka xusay Shiikh Xassan Daahir Aweys, Xassan Turki iyo Dr Cumar IImaan. Waana nasiibdaro ayuu yiri janaqoow in maanta loo bixiyo ragii wacnaa shalay magacyo Xun Xun.

Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow oo kamid ahaan jiray Golihii maxkamadaha Islamaka ee uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif, Shiikh Xassan Daahir iyo Dr Cumar IImaana ay ka ahayaeen Gudoomiye iyo gudoomiye kuxigeenka golaha shuurada ayaa sheegay in koox walba oo khilaafta dawlada ama ka soo horjeesata ay Noqonayso Khawaarij Mudan in dagal lagala hortago.

Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliya in ay ka soo qeeb galaal oo ay taageeraan dawlada oo ay iska dhiciyaan kuwa banaystay Dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aad u bixiseen Qaxiyayasha, iyo abaalawayaasha waa sida uu wasiirku hadalka u dhigay
.


Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com