Search This Blog

Friday, May 22, 2009

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya: "Dagaalku ma joogsan doono ilaa aan dalka ka xorayno kooxaha ajaaniibta ah ee Banaystay Dhiiga Shacabka Soomaaliye

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya isagoo ka hadlayay dagaalada culus ee Muqdisho ku dhexmaraya Ciidamada Dowlada iyo kuwa mucaaradka.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladu weerar ku qaadeen kooxaha ka soo horjeeda madaama sida uu sheegay in Dowladu soo dulqaadatay maalmihii la soo dhaafay oo sida uu sheegay iyaga weerar lagu ahaa, wixii hadda ka danbeeyana waxaa uu sheegay inay dowladu qaadi doonto howlgalo ay kooxahaasi kaga saareyso Magaalada oo dhan.
“Weerarka saaka anaga ayaa qaadnay waana mid amaanka Shacabka lagu xaqiijinayo manajoogsan doono dagaalku ilaa iyo inta laga gaarayo hadafka laga leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhanka kale soo hadalqaaday in Dowladu mar kasta diyaaru tahay inay la xaajooto cid kata oo iyaga ka soo horjeeda islamarkaana diyaar u ah inay nabada qaadato.


"Dagaalku ma joogsan doono ilaa aan dalka ka xorayno kooxaha ajaaniibta ah ee Banaystay Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Prof.Maxamed Cabdi Gaandi.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay in ciidamada AMISOM ay saaka gacan siinayeen kuwa dowalada ayuu si degan uga jawaabay in Ciidamada Dowladu u baahneyn ciidamada Midowgha Afrika ayna isku filan yihiin marka la eego dhinacyada ka soo horjeeda.

Waxaa kale oo wasiirku sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho ay guulo ka gaareen ciidamadoodu islamarkaana ay ciidamadoodu gaareen gobo kala duwan oo aaney horey u tagin.

Wixii dagaalkaas ka soo baxey waad heli doontaan..
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com
mohamed deeq Xaaji Ali
(Majaango)