Search This Blog

Monday, July 14, 2008

"Waxaan dooneynaa in aan la shaqeyno dawladda Soomaaliya ,waxa ayna Africa dooneysaah nabad ka dhalata Soomaaliya" Wakiilka Golaha Amaanka ee Africa u



Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo labo maalin ka hortagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoo Saxaafada la hadlay


Horey looma ogeyn in Masuulkan uu joogo Magaalada Muqdisho ,wuxuuna intii uu joogey la kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & kusimaha raysalwasaaraha Soomaaliya.


Masuulkan wuxuu kala hadlay Madaxda dawladda Soomaaliya arimaha Soomaaliya ,gaar ahaana amaanka & Dibu heshiisiinta ,isagoo sheegay in uu wax weyn ka faa'iiday kulamadii uu la qaatey Madaxweyne Yuusuf.


Wakiilku wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arimo badan ,uuna Madaxweyne Yuusuf soo dhaweeyey wada hadal walba oo lalagalo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya uuna doonayo in Soomaaliya lugu soo celiyo nabadgalyo.


Sarkaalkan wuxuu sheegay in uu sidoo kale la kulmay Taliyaasha ciidamada dawladda Soomaaliya & Kuwa Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya oo uu kala hadlay sugida amaanka ee Magaalada Muqdisho.


" Saraakiisha Africa & Kuwa DFKMGS waxa ay ii sheegeen in loo baahan yahay ciidamo fara badan ,kuwasoo qeyb ka qaata nabad ku soo celinta Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna iga codsadeen in Golaha amaanka ee Africa hordhigo arimahan waana hor geynayaa markii aan laabto"

Ayuu yiri Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.


Booqashadan Sarkaalkan ee Magaalada Muqdisho mahan tii ugu horeysay balse waxaa la xasuustaa booqashooyin fara badan oo ku tagey Magaalada Muqdisho ,markii ay halkaasi ka dagayeen Ciidamada Midowga Africa & dagaalo xoog leh oo halkaasi ka socdey.

Banaadir Post
Somalia.