Search This Blog

Monday, August 11, 2008

NUUR CADDE OO U GACAN-HAADINAYA XASAN DAAHIR AWEYS .


Waxaa soo if baxay qilaaf xooggan oo soo dhex galay madaxweynaha iyo ra'iisalwasaraha, waxayna u muuqata in qilaafkaan u saameyn ku yeelandoono guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dawladda fkmg ee Soomaaliya sida, madaxweynaha, barlamaanka iyo xukuumadda.

Waxa la yiri "xaq iyo baadil isku meel ma wada galaan" waxaa soo baxay siyaasiyiin iyo dad adeegsanaya ha'yado sida bbc-da oo ku eedeynayo madaxweyne Cabdul-Allaahi Yusuf inuu asiga masuul ka yahay sababaha keenay qilaafkaan haddeer ligligayo jiritaanka xukumadda ra'iisalwasare Nuur Cadde, ha yeeshe arrinta sidaas ma ahan, maxaa yeelay wax laysku qabtay waa maamul, wixii maamul dawladeed ku saabsanna sida loo maareynayo waxaa lagu caddeeyey dastuurka u degsan dawladda fkmg, marka waxay ahayd in arrintaan keentay qilaafkaan baahsan looga hadlo mise looga faallodo, si dastuuri ah, lays weydiiyo labadaan madax oo is qabtay, keeba qaaday tillaabo qilaafsan dastuurka ku meel gaarka?

Magacaawidda iyo xil-ka-qaadista dhamaan madaxda ha'yadaha iyo xafiisyada dawladda, rayad, iyo militeriba sida ku qoran axdiga ku meel gaarka waxaa laga sugaya madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ra'iisalwasaaraha wuxu leeyahay ra'ayi ka soo jeedinta shaqsiga la magacaawayo mise xilka laga qaadayo, madaxweynahana waxaa u furan inuu oggolaado, mise diido ra'ayiga u soo jeediyey wasiirka kowaad.

Marka sideedaba arrintaas xil ka qaadista fulinteeda iyo diidmadeedaba, waxay ku xiranyahiin dastuuri ahaan araktida iyo go'aanka madaxweynaha.

Waxase jiro tillaaboyin an ku qornayn dastuurka ha yeeshee looga baahanyahay ra'iisalwasaaraha inuu qaado ka hor intuusan horgeynin madaxweynaha si uu u saxiixo dekretaha lagu fulinayo magacaawidda mise xil ka qaadidda, tillaabadaan waxay la xiriirta, asluubta, iyo isqadirinta labada madax.

Tillaabadaas looga baahanyahay madaxa xukumadda waxaa weyey in ka hor inta uusan u geynin madaxweynaha dekretaha la saxiixayo inuu la xiriiro madaxweynaha una sheego arrinta uu damacsanyahay inuu sameeyo, kana dhagaysto madaxweynaha ra'ayigiisa ku aaddan arrintaas.

Waana sidaas tan loo yaqaan "isla wada shaqeynta" madaxda sare ee dawladda.

Marka, hadda waxaa muuqata in ra'iisalwasare Nuur Cadde uusan ilaalanin, mise dhawrin isla wada shaqeynta habboon oo laga doonayo masuuliinta sare sare ee dawladda, maxaa yeelay haddii arrinta xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka Banaadir wasiirka kowaad u kala xiriiri laha kalana tashanlaha madaxweynha tillaabada u damacsana inuu qaado, ka hor intuusan hor dhigin si u saxiixo dekretaha lagu fulinayey xil ka qaadista Maxamed Dheere, waxaa meesha ka bixilaha isku dhacaan xooggan oo ay isku dhaceen asiga iyo madaxweynaha.

Teeda kale, mar haddii lagu jiro xilli la dhawrayo sharuucda dalka u degsan, marna ma dhici karto in ra'iisalwasaaraha u ku dhaqaaqo fulinta arrin uusan madaxweynaha raalli ka ahayn, taas waxay dhici karta oo keli marka uu jiro madaxweyne la inqalaabay oo si maxbuus ah guri loogu soo xirtay lagana saxiixanaya wixii la rabo in dalka laga fuliyo.

Hadda sida uu Nuur Cadde damacsanyahay inu wax ku socodsiiyo waxay muujinaysa in ra'iisalwasaaraha u doonayey inu ku qasbo madaxweynaha inu saxiixo wax uusan raalli ka ahayn, taasna waa dandaansi lagu doonayo in lagu kiciyo buuq siyaasadeed, sida tan haddeer dhacday, dhinaca kale arrinta waxay muujinaysa in ninkaan ah madaxa xukummada in u donayo inu gobolka Banaadir oo u guddoomiye uga dhigo shaqsi uu asiga si gaar ah u wado, waxaana la sheegaya in ra'iisalwasaraha u doonayo inuu sidaas ku fuliyo talooyin ay u soo jeediyeen rag ka mid ah xukumaddiisa oo wato dano beeleed.

Nuur Cadde iyo kuwa wax la wado waxay sheegeen in la doonayo in la fashiliyo go'aannadi shirki dibuheshiinta ee Jibuuti ha yeeshee Nuur Cadde iyo kooxdiisa waxay iska indha tirayaan xaqiiqda jirta taasoo ah in dibuheshiinta lagu soo go'aamiyey Jibuuti inay fashilintay mar hore mise aysan marna hirgelin, maxaa yeelay dibuheshiisiinta waxaa kow ka aha shardina u aha xabbad joojin, taasoo micnaheeda ahaa in gebi ahaamba dagaaallada socda la joojiyo ilaa seddex bilood, ha yeeshee taasi ma dhicin, dagaalladdi way si socdaan, waxayna u socdaan sidii hore si ka sii xoog badan, waana la wada ogyahay cidda ka masuul ah dagaalladaan joogsan la', madaxweynahana lug kuma laha arrintaas.

Waxase ku lug leh dagaalladdaan socda sida la ogyahay kuwa haddeer la taliyayaal u ah wasiirka kowaad Nuur Cadde.

Nuur Cadde wuxuu gacanta u galay madaxda kuwii fashiliyey dibuhesshiisiinta oo haddana hoggaaminaya kooxaha ka wada dagaallada dalka waxaana taas caddeynaysa in kuwa haddeer ku jira xukumadda oo taageeraya Nuur Cadde, sida Xaabsade, iyo Muuse Nuur Aamiin oo ayagoo ah wasiirro ka tirsan dawladda una weheliyey ninka la yiraahdo xildhibaan Mire, in bilowgi sannadkaan lagu martiqaaday gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana u fidiyey martiqaadkaas kooxdii dhawaan laga qaaday xilka madaxtinimada gobolkaas kaddib markii loo adkeysan waayey hagardaamada ay kala soo horjeedeen jiritaanka dawladda fkmg, Xaabsade iyo Muuse Nuur oo ku been sheegtay inay ku socdeen magaca dawladda, waxay bogaadin iyo dhiirri gelin u soo jeediyeen kooxdaas hoggaanka u aha mooriyaanta looga soo horjeeday in maamulka dawladda uu ku fido gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana la wada ogyahay in kuwaas xoogga ku haystay gobolkaas ay ahayeen isla kuwi la shaqeynayey Yusuf Indhacadde, kuna xirnaa Xasan Daahir Aweys oo ah madaxa kooxda ku harsan Casmara, masuulna ka ah dhammaan dagaallada haddeer ka wada huraya idil ahaan gobollada dalka Somaaliya.

Haddaba, Xasan Daahir Aweys marar badan ayu ku soo ceceliyey inuusan:
1-marna aqoonsaneynin natiijada ka soo baxda shirka dbuheshiisiinta Jibuuti.
2-raalli ka noqonaynin in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye dal kasta ha laga soo diree.
3-marna wadahadal la galaynin wax dawlad ku meel gaar la yiraahdo.
Marka ninkaan wuxuuba ka soo horjeeda dibuheshiisiin ka hirgasha dalka, waxaana iska cad in ina Daahir Aweys midda keli oo u muuqata inay tahay in dagaalladaan u hoggaaminayo inuu ku qabsado xukunka dalka.

Middaan ku saabsan damaca Xasan Daahir, la yaab ma laha, waxase wax lala yaabo ah in ra'iisalwasaaraha Nuur Cadde oo u muuqdo nin u gacan-haadinaya Xasan Daahir iyo kooxdiisa oo ah kuwa u soo tafaxeetay inay maji-xaabiyaan dawladda fkmg.


Cali Cumar
sablaale1@hotmail.com