Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Khilaafkii Isbahaysiga Tuulada Asmara oo lagusoo afjaray in ay nabadda qaataan lana wada taageero keenista ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.


Dhawaanahanba waxaa dalka Yemen ka soconayay kulamo lagu dhex dhexaadinayay xubnaha Isbahysiga Asmra oo ku kalatagay barnaamijka nabadeynta soomaaliya kadib markii xubnaha badankood oo uu hogaamiyo Sh Shariif ay qaateen nabad halka 14 xubnood oo uu hogaamiyo Xasan Daahirna ay ku gacan seyreen hanaanka nabadda.


Laakin Madaxweynaha Yemen oo ka mida hogaamiye yaasha Carbeed ee sida aadka ah u daneeya nabad ka dhalata Soomaaliya ayaa sameeyay isku day uu ku guuleystay,waxaana uu wakiilo kala matalaya labada dhinac isugu geeyay Sanca iyadoo maalmo kadibna la isku afgartay halkii loo badnaa in la raaco oo ah in nabada la qaato loona hogaansamo qodobadii lagu gaaray shirkii Jabuuti, inkastoo waxyaabo aan badnayna lagusoo kordhiyay .Waxaa labada dhinac ay isku raaceen in la meel mariyo heshiiskii horay dowladda loola galay,waxaana gabagabadii kulankooda lagu sheegay in la dhisay guddiyada hoos magacyadoodu ku qoran yihiin.


1-Guddi gaar ah oo qaabilsan xiriirka isbahaysiga iyo dowladda Soomaaliya.


2- Guddi u xil saaran ka shaqeynta habkii ciidamo nabad ilaalineed oo qaramada midoobay ka socda loo keeni lahaa Soomaaliya.


3- Guddi arrimaha bini’aadaniamda qaabilsan.


4- Guddiga mideynta Soomaaliya.


5- Guddiga xiriirka caalamiga ah.


6- Guddiga shirka dib u dhiska Soomaaliya.


7- Gudiga diyaarinta dastur cusub oo ay yeelato Soomaaliya.


Dhamaanba qodobadan ayaa waxaa ay yihiin kuwo loo arko in ay qeyb ka qaadanayaan dib u hehsiisiinta ,waxaana sidoo kale ku jira kuwo ka dhan ah Soomaali diidka una daneynaya mideynta soomaaliya,taasi oo meesha ka saareys goosashada
Somaalidiidka.

Waxaa rajo aad u wanaagsan muujiyay raga asalka u ah heshiisyada socda oo kala ah, SHiikh Shariif iyo Sheekh Janaqow.


banaadirpost.gmail.com

Xamar Cade