Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Haweenka Guryaha ka shaqeeya ee khaliijka oo heerka ugu hooseeya ee Bini"aadanima loola dhaqmo



Warbixin ay soo saartay hay'ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay gaartay heerkii ugu hooseeyay qaabka loola dhaqmoo haweenka ka shaqeeya guryaha dalalka khaliijka.
haweenkan oo badankoodu ka soo jeedaan wadamada eeshiya, waxaa kaloo aad u jooga dumarka Soomalida ayaa loola dhaqmaa si dadnimada ka baxsan, iyada oo loo gaysto xadgudubyo mararka qaar naftooda halis galiya.

waxa intaas dheer iyada oo aanay jirin qawaaniin ilaalisa xuquuqdooda, ama la xisaabtabta cidii ku
xadgudubta.

garaac, mashaharka oo bilooyin ama sanado laga haysto, kufsi, hadidaad joogto ah ayay la kulmaan haweenkani, waa sida ay sheegtay HRW.

warbixintan oo ka kooban 133 bog ayaa qaadatay ka shaqayteedu labo sano, waxaana ay ka kooban tahay xogo laga soo ururiyay in ka badan 142, oo isagu jia shaqaale, ma'suuliin sacuudi ah, wakiilada shaqaalaha.

1,5 Haween ayaa ka shaqeeya sacuudiga oo kaliya, kuwaas oo u badan indooniisiya, filibiin, bangaladhaysh, iyo Soomalida laakin markii loo kuwa aad u yar,inta badan dumarkaas waa Muslimiin hadana wax xuquuq ah ma laha.

Naxariis carbeed ma jirtaa......

Banaadir Post.