Search This Blog

Friday, July 18, 2008

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE: “Maxamed Dheere iyo Ciidamadiisa ayaa gurigeyga soo weeraray waxayna ka qaateen Bastoolad aan isku ilaalinayay iyo La


Guddoomiyaha degmada Boondheere oo ku eedeeyay Maxamed Dheere inuu soo weeraray Gurigiisa, islamarkaana ay ciidamadiisa lacago ka qaateen halkasi.l

Guddoomiyaha degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayWeerar ku soo qaadeen Gurigiisa, wuxuuna sheegay inay wax u dhibeen Gabar u shaqeysa isaga iyo xaaskiisa, isagoo xusay inay alaabo iyo lacago ka qaateen Gurigiisa.


"Maxamed Dheere ayaa la socday Markii ay ciidamadiisu soo weerarayeen Gurigayga, mana garanaayo sababta keentay inay ciidamadaasi oo uu la socdo Gudoomiyaha Gobolka u weeraraeen Gurigayga oo ay u jebiyeen albaabka Gurigayga" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere.C/laahi xirsi wardheere (Istakiin).

Gudoomiyaha degmada Boondheere waxa uu sheegay in sababta uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u soo weeraray gurigiisa ay tahay in ay qabteen qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada u ah Maxmed Dheere oo dhac ka geysanaaya Degmadooda, kuwaasi oo uu sheegay inay haatan ku jiraan xabsiga Degmada Boondheere.

"Waxaa shacabka naga saran Xil weyn, kaas oo ah inaan ka difaacno Burcadda wadata Dharka ciidanka ee gacma gacmaysanaaya Shacabka, waana u sheegnay inaan ciidamadaasi qabanay Maxamed Dheere" ayuu yiri C/laahi xirsi wardheere (Istakiin) Gudoomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Boondheere waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu u tagay isaga, islamarkaana weydiiyay sababta uu gurigiisa u weeraray iyo inuu ku qaldamoomay, wuxuuna igu yiri, "Waxaa la sheegay in gurigaan bambooyinka iyo waxyaabaha Qarxa lagu sameeyo, sidaasi ayaana loo weeraray".


"Waxaa wax lala yaabo ah in anigoo gudoomiye ah uu sidaasi igu yiraahdo" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere C/laahi xirsi wardheere (Istakiin), wuxuuna sheegay inuu wergeliyay xadgudubka lagula kacay madax fara badan, wuxuuna sheegay in isaga ay doorteen shacabka, iyagana ka qaadi kara xilka Gudoomiyenimada ee Degmada Boondheere.
Ma ahan markii ugu horeysey oo la eedeeyo Mohamed Dheere inow ku takri falo awooda.
Banaadir Post.
Somalia