Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Afxumaa Indha Cadde see waxka yihiin, Muxuu isticmaalay ....


Waxaa dalka Somalia in mudo ah ka jiray dhibaatooyin amaanka ka dhan ah oo saameyn ku yeeshay boqolaal ka mid ah dadka Somaliyeed.
Dhibaatooyinkaas waxaa ka dambeyay qab qablayaal iyo dagaal ogayaal dalka oo dhan caan ka ah oo umada dhiigoda ku ganacsan jiray kuwaas oo sabab u noqday in tiro fara badan oo dadka ka mid ah ay dhintaan halka qaar kalena ay isaga carareen dalka.
Hadaba iyadoo ay dhibaatadaaas jirtay ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in qaar ka mid dhiig cabyadii hoogaamiyayasha kooxaha ahaa ay wali wadaan dhibaataynta bulshada iyagoo magacyo kale oo cusub la baxay.
Waxaa ugu horeeya qaran-diid Yusuf Indha cadde oo isagu ah nin kaalinta koowaad ka galay diidmada nabada iyo dilka rayidka.
Odaygan dhiig cabka ah isla markaana aan wax dan ah ka lahayn dadka Somaliyeed iyo noloshooda ayaa waxa uu xoog ku haystay dhul ay dad masaakiin ah daganyihiin ( SH/hoose) halkaas oo uu dadka ka qaadan jiray baad isagoo wax kale iska daaye xitaa gaaray in uu lacago baad ah ka qaato dadka isticmaalaya biyaha Wabiga Shabeele oo gobalkaas mara taas oo muujinayso in ninkan uu farac ka soo gaaray boobida dadka isla markaana dadka uu ka dhashay ay xoog ku soo gaareen dhulalka hodanka ah ee dalka Somalia ku yaala gaar ahaan gobalada Koofureed halkaas oo ay xoog ku qabsadeen.
Waxaa gobalka Sh/hoose taariikh ahaan u sharciyeeyay xaaraan cunahan Indha Cade in uu gacanta ku dhigo qaran-diidka ay isku haybta yihiin ee Ina Salaad Booy (C/qaasim) oo isagu doonayay in beeshiisa uu u sharciyeeyo dhulalka ay daganyihiin dadka aan dhibaatada looga baran sida gobalada Jubooyinka iyo SH/hoose.
Isaga oo ku caan baxay arimahaas foosha xun ayaa hadana waxa uu ku darsaday in uu ka been sheego diinta Islaamka.
Indha Cadde ma Ahlu Diinbaa mise waa Ahlu dulmi…?/waa arin la is waydinayo oo in badan oo shacabka ka mid ah ay la yaabeen marka ay maqleen Indha-cadde oo magaciisa laga hor marinayo Sheikh taasna waa xeelad ay beeshiisa ku doonayso in ay ku dhaqdo dhibaatada iyo magac xumada bulshada dhexdeeda uu ku leeyahay.
Lakni diinta Islaamka ma ahan mid cid gaar ah ay leedahay waxana qof waliba uu aakhiro la shartagayaa waxii ficil ah oo uu sameeyay qayr iyo shar midi ay noqotaba.
Arinta kale ee la yaabka keenta ayaa ah in ninkan oo la xaqiijiyay in uu isticmaalo qamriga iyo muqaadaraadka noocyada ugu xun uu hadana sheegto in uu diinta u dagaalamayo.
Taas ayaa ah mid dambi wayn ku noqonayso cid waliba oo Muslim ah hadii ay Sheikh ugu Yeerto qamriistahan afka Qurmoon ee Indha-cadde.
“aniga waxaan u heystaa nin hogaamiye kooxeed ah oo dhibaatada dalka ka jirta lug ku leh, dagaaladii dhacayayna ka soo qayb qaatay hadana meesha uu joogo ay geeysay siyaasad iyo xukun jaceyl” sidaana waxaa Yiri G/sare C/llahi Xasan Bariise oo afaheyn u ah ciidamada Boliiska Somaliyeed.

Illahay ha ka raali Noqdee G/sare Bariise oo aan wax ka waydiinaya sida uu u arko INdha-cadde ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in isagu uu u arkayo nin kaalin wayn ka soo qaatay dhibaataynta umada Somaliyeed.

“waxaan leeyahay waxaad tahay nin oday ah marka ka soo noqo dhibaatada ee qaado dib u heshiisiinta socota” ayuu mar kale hadalkiisa sii daba dhigay G/sare Bariise.

Marka laga soo tago Bariise waxaa fikir sidaas oo kale ah qaba dhamaan siyaasiyiinta iyo inta wax garadka ah ee bulshada ka tirsan oo aan marna qaadan Karin in dilaa wayn oo sida INdha-cadde oo kale ah loogu Yeero Sheikh iyo wadaad diimeed wanaagsan.
Waxaa kaloo hada la cadeeyay in dilalka ka dhacaya magalada Muqdisho iyo duleedkeda ee lala beegsanayo shaqsiyaadka ka tirsan Hay,adaha Sama-falka in uu mas,uul ka yahay qaran-diid Indha-cadde oo doonaya in taas ay keento sharaf tirka Dowlada Somalia.
Ilo ku dhaw qamra-cabkan ayaa inoo sheegay in uu mar kasta yimaado deeganada ku yaala duleedka Muqdisho gaar ahaan deeganka 3 Dishe halkaas oo ah meesha lagu dilay agaasime ku xigeenkii Hay,ada DBG Mr Kheyre isla markana uu Indha-cadde maal galin siiyo kooxo ku howlan dilalka loo gaysanayo dadkan.
Isku soo wada duube waxaan ugu baaqayna Qamar-cabkan lagu Magacaabo Indha-cadde in uusan Afkiisa Qurmoon Eedeyn iyo Aflagaado ugu jeedin Dowlada Somalia iyo mas,uuliyiinta ugu sareeysa uuna ka haro dhibaatada uu umada ku hayo hadii kale wax laga qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xafiiska wararka wiil waalka abaaqaroow.com