Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Maxaad ka taqaanaa golaha been abuurka ah ee beelaha Hawiye. qormo muhiim ah oo lagu ifinayo arimo dhowr ah oo ku saabsan golahan.





Sida laga warqabo dalka somalia waxa ka jiray fowdo iyo dagaalo beeleed tan iyo markii ay burburtay xukumadii milatariga, waxana dagaaladaasi ay u dhexeynayaan shacabka somaliyeed ka sokow beelo gaar ah oo iyagu xurguf u dhexeysay.

Marka aan u soo daadagno dagaalada ka jiray magalada Muqdisho oo lagu tiriyo in ay tahay meeshii ugu dagaal badnayd dalka somalia xiliyadii burburka, waxaa ay u dhexeynayeen beelo iyagu ood wadaag ah hadana is qilaafsan.

Beesha hawiye oo lagu sheego in ay ku badan tahay deeganka Muqdisho ayaa ahayd beesha kaliyah ee dhexdeeda isku dagaalaysay magalada caasimada ah ee Muqdisho.

In kastoo beesha hawiye ay dagaalada dhexdeeda ka jireen ayaa hadana waxaa marna meesha ka bixin sharfta iyo midnimada ka dhex jirta beeshan .

Waxaase jiray shaqsiyaad iyo kooxo mar kasta ku gambada magaca hawiye oo ku fuliya dhibaatada dalka ka jirtay kuwaas oo kala qaybsanaanta hawiye u arkayay mid dan gaar ah ay ka helayaan.

Iyadoo aysan dalka ka jirin wax nidaam ah mudo dheer ayaa hadana markii la dhisay dowlada somalidu u dhan tahay waxaa soo baxay koox wali u taagan ka horimaashaha nabada iyagoona ku gambanaya magaca hawiye.

Golaha qaran dumiska ah ee loogu magac daray dhaqanka beesha hawiye, waxa uu wataa magac dhaqan sida ay raga dhisayba sheegeen, hadana waxa uu ku hadlaa afka nabad diidka dalka ku sugan.

Odayaasha bililiqo doonka ah ee horkacaya golahan ayaa tusaale u noqon kara waxa looga dan leeyahay golahan.
Inta aan soo qaadan siyaasadaha dadku ay la yaabeen ee goluhu ku shaqeeynayo waxaan jecelnahay in aan ka hadalno marka hore sida ay beesha hawiye u arkayso golahan.

Waxaan si aan arintan wax uga ogaano la xiriirnay mas,uuliyiin ka tirsan beel waynta Mudulood oo ka mid ah beelaha hoos tago beesha Hawiye.

“mudulood ma ogola in magaciisa lagu dhex arko koox aan rabin danta dalka iyo dadka, waxana u aragnaa kooxdan hawiye sheegatay in ay tahay koox siyaaasdeed oo ka been abuurayso magaca beesha hawiye” sidaas waxaa yiri C/llahi Xasan Afrax oo ka mid ah mas,uuliyiinta ugu sareeysa ee dhaqanka beesha mudulood oo dhowr jeyr warbaahinta la hadlay.

Hadalka Mudane Afrax ILLAHAY HA XAFIDEE ayaa waxa uu ka tarjumayaa in beesha hawiye oo dhan aysan marna ogolayn in magaceeda lagu diido nabada iyo qaranka dalka Somalia.

Hadaba waxaan ogaanay in golahan uu u dhisan yahay dano guracan oo ay wataan shaqsiyaad iyagu aan rabin nabad siyaabo kasta ay u diidaan, waxaana ka mid ah.

Oday Axmed Diiriye oo ku caan baxay bililiqada isla markaana xoog ku haysta hanti dadkii lahaa uu si guracan uga dishay iyo hanti qaran ayaa ah ninka ka dambeeyo dhismaha golahan, waxana uu ka doonayaa in aan la helin dowlada ay somalia yeelato , taas oo uu ka baqayo in ay sharciga la soo tiigsadaan Ehelada dadkii uu dilay ee uu ilaa iyo hada xooga ku dagan yahay guryahoda.

Marka laga soo tago odaygan waxaa kaloo golahan ka mid ah qaran-diid Maxamed Xasan Xaad ,hadaba maxaa ku kalifay Xaad in uu ku biiro golahan…?waa su,aal is waydiin mudan , jawaabta oo sugana waa tan.

Xaad marka hore kama dhalan beelaha lagu tiriyo in aysan rabin nabad somaila, mana ahan shaqsi magac hore wata ama dakano kale galay sida oday Diiriye, lakin waxa uu Xaad wataa dano gaar ah.

Mid ka mid ah dadka ay isku jifada yihiin Xaad ayaan wax ka waydiiyay waxa uu ka yaqaano Odaygan.

“xaad waa nin ku waalan saldanada iyo maamulka, waxa uu waligiis jeclaa in uu mas,uuliyad qabto, hada ka hor markii uu ku biiray golahan ayaan ku iri maxaa kugu kalifay, markaas ayuu igu yiri waxaan rabaa in aan magac iyo mansab ku gaaro” sidaasina waxaa ku jawaabay mid ka mid ah dadka sida wayn u yaqaano Xaad oo aan la sheekeystay.

Marka la eego danta uu leeyahay odaygan Xaad ah ayaa waxa ay tahay mid fudud marka si loo fiirsho, lakin waxaa nasiib daro ah in Mansab iyo Xil raadisnimo loogaga soo horjeesto nabada somalia.

Si kastaba ha ahaate arimahan oo idil ayaa waxa ay dadka tusinayaan in golahan ka been abuuranayo magaca sharafta leh Ee beesha Hawiye uu yahay mid ay wataan rag aan marna dan ka lahayn nabada iyo dowladnimada Somalia, waxana markii la ogaaday arintan ay keentay in tiro ka mid ah xubnihii golahan ay iclaamiyaan in ay isaga baxeen golaha , sidaasina uu shacabka uga soo horjeesto hadalada foosha xun ee ka soo yeera golahan oo ah kuwo ku salaysan kala sooc lagu sameynayo beelaha Somaliyeed ee isku midka ah.

Nin dantiisa gaarka ah

Iyo dowlada nima diid

Dalka waa ka xaaraan

Dadka waa midoobeen

Dantooday yaqaanaan

Duli iyo dambiilana

Daa,in haduu yiraahdo

Sharic baa la deeqsiin

Meel xunbuuna ku dambeyn.

samtarxildiid@hotmail.com