Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Qarax dad ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose


Dhaawaca sedaxdaan ruux ayaa timid kadib markii iyagoo ku guda jira caado dhaqameedka loo yaqaan istunka islamarkaan ku mushquulsan cayaaraha kala kadisan ee caado dhaqameedka lagu soo tuuray bam gacmeed taasi oo keentey in sexdaan qof ay dhaawacmaan.


Xaalada mid kamid ah dhaawaca dadkaan aya laga deyrinayaa halka labada kalena la sheegay in yihiin kuwa fudud,waxaana la sheegayaa in halka uu qaraxaas ka dhacey ay tahay tuulo lagu magacaabo jambbaluul oo ka tirsan degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayey
digniino ka dhan ah caado dhaqameedka istunka oo sanad waliba ka dhaca degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose taasi oo looga digayo dadka isku diyaarinaya caada dhaqameedka in ay faraha kala baxaan,waxaana xalay gudaha magalaada Afgooye lagu daadiyay waraaqo digniina ah taasi oo faraysa in cidii ku xadgudabtaa ay ku qornayd in laga qaadi doono talaabo dil ah.
Lama oga cida sida rasmiga ugu dambaysa bam gacmeedka ay maanta dadku ku dhaawacmeen,waxaana ay sababtay arintaan in ay cabsi wayn soo food saarto dadka ku dhaqan degmada Afgooye maamdaama ay isku diyaarinayeen caado dhaqameedka sanadka 2008.
Xalay ayaa waxaa degmada Afgooye lagu arkayay dad fara badan oo isku diyaarinaya caado dhaqameedka sanad kasta lagu qabta degmada Afgooye balse waxa ay la kulmeen arin aysan fileyn,waana markii ugu horeysey ee weerar nuucani oo kala ah lagu qaado dad isku diyaarinaya istunka caado dhaqameedka oo inta badan lagu qabto degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose...
kuwan dadka inay gumaadaan ma ahan xal kale ma hayaan sow ma ahan, wacdi, wargalin, iyo wax isu sheeg ma ka gaari waayeen,
Ilaahow Wadaad Xume naga qabo, adaaa ku hoos joognaaa.
Tafatiraha Wargeyska
Mohamed Deeq Xaaji.