Search This Blog

Friday, July 18, 2008

Col. Cali Caraaye Gacma Dulle "Kuwa Sheegta Al-Shabaab iyo Maxkamadaha waxaan ka dilnay 21-Ruux, waxaana gaarsiinay jab xoog leh………"


Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye oo loo yaqaan Gacma –Dulle ayaa saxaafadda uga warbixiyay dagaalkii shalay aroortii hore ku dhexmarayCiidamada Dowladda KMG ah, Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Maxkamadaha Islmaaka Wadada Warshadaaha.
Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku furteen hub fara badan, wuxuuna xusay inay kala carareen kooxihii dagaalka ku soo qaadeen.
"Dagaalkaas waxaan kaga dilnay kooxaha sheegta Al-Shabaab ilaa 21-ruux, waxaana ka dhaawacnay 19-kale, Meydadkoodana waxey yaaliin wadooyinka " ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye (Gacma –Dulle) oo saxaafadda tusiyay qaar ka mid ah Meydad uu sheegay inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday.

Talyuhu waxa uu soo bandhigay Hub uu sheegay inay ka qabsadeen kooxihii soo weeray ciidamada Dowladda kuwaas oo ahaa gaari B-10 ah 4-Ak47-ah iyo Qori BKM ah, raas, gaari noociisu yahay Hoomey laba Qori RPG ah.

"Shacabka waxaan ka difaacaynaa kuwa diin lawayaasha ah, ee caadeystay inay dhibaateeyaan shacabka" ayuu yiri Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidanka Dowladda KMG ah Col. Cali Caraaye (Gacma–Dulle)...

Sida cad ama la wada ogyahay jabka maalmahan danbe la soo gudbaanaadey Alshabaab, waxaa keena xaafadaha ay ka dagaal galaan oo inta badan cidlo ah, ama dadkii qarin jirey oo dhulkaas ka guurey inta hartana waa dad aysan isku aaminin karin, ka dib aad loo nacey kuwan arxan darada iyo belaayada la wareegada.

Banaadir Posr
Xamar Cade.