Search This Blog

Sunday, June 29, 2008

Dagaal xalay ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xalay uu halkaas ka dhacay dagaal socday muddo 30 daqiiqo ah, kaasi oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gaaray Degmada Guriceel iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkan ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah oo guryahooda iska joogay, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada afar ruux iyo dhaawac soo gaaray afar ruux oo kale, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay markii la weeraray ku jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Dagaalka ka dhacay Degmada Guriceel ayaa wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay Dadkii degmada ku dhaqnaa, kuwaasi oo qaarkood ay u carareen dhulka howdka ah ee Degmada u dhow, halka kuwo kalena ay aadeen dhinaca Degmada Dhuusa-mareeb ee isla gobolka Galgaduud. Waxaa xusid mudan in dadkaas barakacay ay ku jiray kuwo horay uga barakacay Magaalada Muqdisho oo sidoo kale ka cararay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago dadkii dagaalka ku dhintay waxaa kuwii ku dhaawacmay lagu daweynayaa Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel, iyadoo daweyntoodana ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal Isbitaalkaas ka howlgala.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Guriceel waxay sheegayaan in dadka ay isu diyaarinayaan in ay magaalada ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka gudaha u soo galaan, isla markaana ay dhibaato u geystaan.

Waxaa muuqanaya in hada la helay dad kala halkaas kala dagaala Itoopiyaanka, kaasoo aan horey uga jiri jirin Degmooyinkaas.

Waxaa arkaysaa in tageen halkaas kuwa dagaalka xawila una Xawila dhul nabad horey u ahaan jirey.

Banaadir Post
Xamar cade.