Search This Blog

Sunday, June 29, 2008

Guddomiyaha Gobolka Bakool oo sheegay in ciidamadii shalay soo galay Xudur uu hoggaaminayey Yuusuf Indha Cadde xili maantana ay la wareegeen degmooyin

Maliishiyoon ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa deegaano hor leh la waraagay xalay iyo saakay kuwaasi oo muhiim u ah Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna xalay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Bardaale oo dhinaca Koonfurueed 30 Km kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Baydhabo.

Kooxahan ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-SHabaab, kuwaasi oo ku hubeysan gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah, mana jirto dhibaato halkaasi laga soo sheegayo.

Sidoo kale Maliishiyooyin la sheegay iney ka tirsan yihiin Maxkamaddaha Islaamiga ayaa waabarigii saakay waxay la wareegeen magaalada Qansax Dheere ee gobolka Bay, halkaasi oo ay si nabadgelyo ah ula wareegeen, iyagoo fariisimo ciidan ay ka sameysteen gudaha magaalada iyo kontoroolada laga soo galo degmada Qansax Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Toll ayaa Saxaafadda u sheegay in maliishiyooyinkii shalay soo weeraray Xudur uu hoggaaminayey isagoo ku eedeeyey weerarkii shalay ururka Al-Shabaab.

Degmooyinkan ay la wareegeen Maxkamaddaha Islaamiga iyo ururka Al-Shabaab ayaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Baydhabo ay u jiraan in ka yar 40 Km, iyadoo magaalada Bardaale 30-Km dhinaca koonfureed ay kaga beegan tahay magaalada Baydhabo, walow marka ay kooxahan la wareegaan gacan ku heynta degmooyinka aysan ku waarin oo saacado kadib ay dib ugu baxaan cabsi ay ka qabaan weeraro rogaal celis ah oo kaga yimaada maamulka degmooyinka iyo Dowladda KMG.

Waxaa la yaab leh, sida wax yihiin, Federaalku ma fiirsanayaan sida wax yihiin, mise wax kale oo qarsoon ayaa jira.
Bal waxa xiga ha la dhowro.

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com