Search This Blog

Sunday, May 17, 2009

Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Jowhar

Xoogag u daacad ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ka talinayay maamul hoosyimaada Dowladda Soomaaliya.

Dagaal yar oo ka dhacay gudaha degmada Jowhar ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ay ka tirsanaayeen ciidamada maamulkii degmadaas ka talinayay.
Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa haatan lagu arkayaa gudaha Degmada Jowhar, iyadoo Ciidamadii horay ugu sugnaana ay magaalada isaga baxeen.

Dhanka kalena, dagaal ayaa wuxuu ka socdaa Deegaanka Garsaale oo Koofur ka xigta Degmada Jowhar, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwa maamulkii Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo lagu soo warramayo in ay halkaas ka dhacday dhimasho iyo dhaawac ay xitaa ku jiraan dad safar ah oo uu dagaalka ku qabsaday deegaanka Garsaale.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqdaa mid doonaya in uu qabsado inta badan gobollada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna horay ula soo wareegay gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya. Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay haatan ku lug leeyihiin dagaallo ka socda Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, gaar ahaan deegaannada Maxaas iyo Wabxo.

Banaadir Post
Xamar