Search This Blog

Sunday, May 17, 2009

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo Ciidan iyo Gaadiid dagaal wata oo u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo wata dhowr iyo toban gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay ciidamo saaran yihiin ayaa wuxuu u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha soomaaliya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu Shiikh Yuusuf si rasmi ah ugu soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya, kaddib wada hadallo labada dhinac dhexmaray.


Wararku waxay intaas ku darayaan in Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo soo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu ka tirsanaa garab ka go’ay Xisbul Islaam, kaasi oo dhawaan wada hadallo la galay Dowladda Soomaaliya.

U soo wareegitaanka dhinaca Dowladda Soomaaliya ee Shiikh Yuusuf Indha-Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Shiikh Yuusuf uu sheegay in duruufo jiro aawgood uu hubkiisii ku wareejiyay dad ay ehello yihiin, walow haatan uu hubkiisii ula soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.

Shiikh Yuusuf Indha Cadde ayaa wuxuu ka tirsanaa kooxo si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, hayeeshee wuxuu dowladda ku soo dhawaaday kadib markii ay meel-marisay ina y dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka.

Kala soco halkan wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda..

Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo dagaallada looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya ku tilmaamay kuwo aan xaq ahayn oo kursi-doon ah

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo isagoo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo wata xalay u soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya oo uu ka soo horjeedi jiray ayaa wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaq ahayn oo kursi-doon ah.

Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in culumaa’udiin Soomaaliyeed oo Muqdisho ifto ka soo saaray ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay tahay dowlad Islaam ah, sidaas darteedna aan dagaal lagu qaadi karin, iyaguna ay qaateen go’aankii culimada.

Annaga horay ayaan u sheegnay in haddii Dowladda Soomaaliya ay dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka aan taageeri doonno, isla markaana aan hiil iyo hooba la garab istaagi doonno, haddana sida aad la socotaan dowladda waxay meel-marisay ku dhaqanka shareecada Islaamka”

ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in markii uu u soo wareegay dhinaca dowladda kaddib uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisal Wasaarahiisa Cumar C/rashiid iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, ayna ka wada hadleen sidii dalka Soomaaliya loo nabadeyn lahaa.

Mar la weydiiyay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxa ay sameynayaan hadda kaddib, waxaa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay sameyn doonaan wixii ay Dowladda u xil-saarto, wuxuuna caddeeyay in ay ka tirsan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde ayaa wuxuu soo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ka tirsanaa garab ka go’ay Xisbul Islaam, kaasi oo dhawaan wada hadallo la galay Dowladda Soomaaliya.

Banaadir Post
Xamar.