Search This Blog

Friday, December 18, 2009

Caabudwaaq: “ Shirkan waxaa uga tashanaynaa Dhismaha Maamul Gobaleed aan udhisno deegaanada aan maamulno” Mid ka mid ah Madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ka hadlay shirka uga furmay Caabudwaaq



Shir ay ka qeybgalayaan dad kala gedisan oo lugu casumay kana yimid gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya ayaa ka furmay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud, iyadoo ay leeyihiin shirkaasi Culumada Ahlu Suna Waljameecah oo ay uga tashanayaan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa mawqifyadooda ku aadan la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.



Qodobada ugu waa weyn ee looga hadlayo shirka ayaa lasheegay in ay ku jiraan kuwa ku aadan arrimaha amaanka Soomaaliya oo dhan, taageerada dawlad gobaleedyada dhisan iyo sidii Maamul looga dhisi lahaa deegaanada Ahlu Suna Maamusho ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Mid kamid ah ka qeybgalayaasha oo ku sugan Caabudwaaq ayaa ku sheegay  khadka Telfoonka in ay wada hadaladoodu socon doonaan maalmaha nagu soo aadan, isla markaasna ay ka soo bixi doonaan go’aamo kala gedisan.


Arrimaha amaanka ee Soomaaliya, la xaajoodyada dawlad gobaleedyada dhisan iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa looga doodi doonaa shirkan maalmaha uu socdo, waxaana lafilayaa in ergada lugu casumo ay soo jeediyeen fikirkooda ku aadan arrimaha ay wadaan hogaamada sare ee Ahlu Suna Waljameecah.


Ka qeybgalayaasha ayaa dood ka yeelanaya hindisaha ay wadaan qaar ka mid ah madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ah in Maamul gobaleed loo dhiso deegaanada ay gacanta ku hayaan, taasoo la filayo in go’aan cad laga gaari doono, iyadoo ay soo baxayaan warar badan oo sheegaya in ay dhinacyadu isku heynin arrimahaasi, ama aysan dood badanba ka yeeli doonin.


Lama garan karo waxyaabaha ka soo bixi doona wada xaajoodyada uga furmay Ahlu Suna Waljameecdegmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo lafilayo in ay qodobada ka soo baxaa noqon doonaan kuwa lasoo gaarsiiyo Saxaafada Aduunka, gaar ahaana tan Soomaaliya.


Banaadir Post
Somalia