Search This Blog

Saturday, September 13, 2008

Muqdisho: Ex- Xaruntii Wasaarada Maaliyada oo maanta dib loo furay.

Xaruntii hore ee Wasaaradii Maaliyada ee dawladdii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray.

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro, Wasiiro kuxigeeno & Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradaasi.

Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cali Xaamud oo xariga ka jaray Dhismahan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta sharaf utahay wasaaradiisa in ay howlgaliyaan Ex-Xaruntii hore ee Wasaarada oo ay dhibaato ba'an ka soo gaartay dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.Mr. Xaamud wuxuu ugu baaqay Wasaaradaha kale ee dawladda Soomaaliya in ay raacaan talaabada Wasaaradiisa, wuxuuna sheegay in aysan awood balaaran dawladda Soomaaliya ulaheyn waqtigan taabagalinta Dhismayaal cusub loona baahan yahay in dayactir kuwii hore lugu sameeyo.

Wasiirka Arimaha Dibada & Xiriirka Caalamiga ee dalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in ku faraxsan yahay maanta in uuka qeybgalo furitaanka Xaruntii Wasaarada Maaliyada.Wasiirka arimaha dibadu wuxuu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya dooneyso in ay waxqabad muuqda kaga tagto dalka Soomaaliya mudada yar ee udhiman, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradaha dawladda Soomaaliya in ay deg deg ku hirgaliyaan Xaafiisyada Wasaaradahaasi.

Cali Axmed Jaamac wuxuu ka codsaday dawladdaha Carbeed in ay gacan ka siiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dibu habeyn balaaran oo lugu sameeyo Xarumaha Wasaaradaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.Wasaarada maanta xaafiisyadeeda la furay waxa ay laf dhabar utahay howl balaaran oo ka taagan dalka Soomaaliya, waxa ayna ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan ee waqtigan ka howlgalaya dalka Soomaaliya.Dibu habeynta Xaruntan waxaa lasheegay in ay gacan ka geysteen madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, siiba Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Madaxda kale ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

F. C. Geylan