Search This Blog

Wednesday, July 30, 2008

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Shirka ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Ra’’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere).

Warar aynu ka helnay Ilo ku dhow dhow shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu sheegay sababta Maxamed Dheere xilkaas looga qaaday xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn waayeen Maxamed Dheere.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xilkii uu hayay Maxamed Dheere si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay in uu magacaabistiisa aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Dheere ayaa intii aan xilkaas loo magacaabin wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ku midoobay Isbaheysi la magac baxay La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo ay ka awood roonaadeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aaney ka awood roonaan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo marka laga soo tago in uu dadka gobolka ku soo rogay Shuruuc adag iyo Canshuur xad-dhaaf ah uu dhinaca kale si weyn u sugay ammaanka Gobolkaas, taasi oo keentay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeeyaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com