Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Cida Diidan nabadda oo noqotay Oday Daahir Aweys iyo Ninkii ku caan baxay iibsashada biyaha wabiga Jaalle Indhacadde

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegaya in xubno ka mid ahaa Garabka Asmara oo ay horkaceyso Xoghayaha xaquuqul insaanka ee Isbaheysiga mucaaradka garabka Casmara Marwo Foowsiya Maxamed Sheekh ay gaadheen dalka Jabuuti, iyagoo sheegay in ay badaleen afkaarohoodii hore hadana taageerayaan waxa danta umada Soomaaliyeed ay ku jirto oo ah heshiiskii Jabuuti bishii hore lagu gaadhey.

Xubnahana ayaa ka qeyb galay kulan mudanayaasha golaha dhexe ee isbahasysigu ay Jabuuti ku yeesheen iyagoo kulankaana ka hor cadeeyay in ay kasoo go’een garabka Oday daahir oo hada keligii Fadhiya Asmara.
Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa ka mid aheyd xubnihii ku xayirmay Tuulada Asmara, isla markaasna ay ku qasbeen saraakiisha sirdoonka Eritrea iney warbaahinta ka hadasho oo ay dhaliil u jeediso Sheekh Shariif intii ay ku sugneyd Tuulada Asmara.Guud ahaan xubnihii ku midoobay isbahaysiga Tuulada Asmara marka la eego waxaa mucaaradnimo kusoo haray oo keliya Oday Daahir Aweys oo ku jira liiska argagixisada Caalamiga ah ee la doon doonayo iyo Jaale Indhacadde oo horay ugu caan baxay iibsashda biyaha wabiga walina ay ka hor muuqaneyso lacagtii faraha badnayd ee uu ka heli jiray iibsiga biyaha wabiga iyo beeraha gobalka Shabeelaha hoose.Dhanka kale waxaa xumkuumada Asmara meel mar u noqon waayay barnaamij ay dhawaanahan waday oo ku aadanaa in la qabto kulan xilalka looga xayuubbinayo labada shariif.
waxaase Alle mahadii ay taasi noqotay DHAAN DABAGAALLE GUNTIIS LA GAARI WAAYAY.
Banaadir Post,
Xamar cade.