Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Tiro dhalin yaro ah oo ka tirsanaa maleeeshiyada Al-Shabaab oo gaaray tuulada Ceel-Baraf ka dib kolkii ay ka goosteen Fadhiga Al-Shabaab ee Ceelasha B


Mahadaay,20-7-2008), Wararka ka imaanaya tuulada Ceel Baraf oo ka tirsan degmada Mahadey ee gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaaya in (29) dhalin-yaro oo horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay kasoo goosteen Taliska Ciidamada Al-Shabaab ee deeganka Ceelasha biyaha iyo aagga Suuqa Xoolaha ee Waqooyiga Muqdishu,Dhalintan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, shirib, guuroow iyo Qur'aan la saarey dhammaan dhalin-yaradan.


Waxaa halkaas hadal gaaban ka jeediyay hor-joogihii dagaalyahanadan oo lagu magacaabo (Dheg-naas) isagoo sheegay in " halgankii Al-shabaab ay afduubteen Xasan Daahir Aweys iyo Yusuf Maxamed Siyaad ( Indhacadde) una bedeleen halgankii toos-ney sida Maqaayad aay iyagu gooni u leeyihiin oo kale,,Yuusuf Indhacadde, wuxuu darraad Ceelasha biyaha ku dilay walaalkey marxuum Cabdulqadir Muxumad Maxamuud ( Kobo-geed) naceyb uu u qabo qabiilka uu ka dhashey walaalkey Alaha unaxariistee Marxuum Kobo-geed, taas oo runtii dib ii xusuusinaysa dilkii Marxuum G/Sare Mohamed Omar Calasow ( Calasow Dheere) 1991kii.


Dhalintan soo goosatay ayaa ka danbaysay goosashadooda kadib kolkii 18 bishan July ee aynu ku jirno uu Yuusuf Siyaad ( Indhacade) ku dilay Taliyihii Al-Shabaab ee waqooyiga Muqdisho Cabdulqaadir Muxumad Maxamuud ( Kobo-geed) Inkastoo warar is khilaafsan uu kasoo baxay dilkan ayaa hadana lagu sababay jabkii Al- Shabaab ka soo gaarey dagaaladdii ka dhacey Warshedda Baastada, Warshedda Xeyle Bariise, Ceymiska iyo aagga Suuqa Xoolaha Bishaan July 17, 2008. Jabkaas oo lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta ee gudaha Soomaliya.


Xafiiska daafeet.com,Muqdisho