Search This Blog

Monday, July 21, 2008

Gobolka SH/Hoose ma Sareedo aan loo kala sokayn baa?!

Si loo helo jawaab waafi ah kuna salaysan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobolka SH/Hoose ayaa waxaa lama huraan ah in kolka hore raad raac adag lagu sameeyo gobolka iyo Maamuladii isaga kala danbeeyay iyo weliba Ugxantii ay ku dhaafeen Gobolka.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa uu caan ku noqdey inay awooddiisa maamul ay ku tartamaan hadba Beelaha haysata awooda Dalka Soomaaliya ,Hadaba ayadoo ay tani tahay qaacido caam ah ayaa hadana waxaan meesha ka maqnayn duulaan gaar ah iyo mid guudba oo gobolka lagu hayo,
Xaalada gobolka oo cakiran dartiis ayaa waxa iminka xaaladdiisa looga hadley fadhiyada Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Nuurcadde;Waxaana maqaalkan idin ku soo bandhigeynaa xog rasmi ah oo sir ah kaas oo lagu doonaayey in lagu kala qeybiyo Gobolka Shabeelada Hoose,waxaana maanta idiin soo bandhigeynaa qeybta koowaad.


Fadhigan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu magaalada Bardaale ku martiqaadey wasiirka Gadiidka iyo Dekadaha Maxamaed Ibraahin Xaabsade kaas oo looga hadlalaayey aayaha Siyaasadeed ee Gobolka Shabeellada Hoose,iyadoo arrimha uu Xaabsade Wasiirka Arrimaha Gudaha uu hordhigey ay ka mid tahay shax lagu kala qeybinaayo Gobolka Shabeellada Hoose.

Shaxda cusub ee uu Xaabsade doonaayo in Gobolka lagu kala qeybiyo ayaa ahayd in Degmooyinka,Baraawe,Sablaale.K/waareey iyo Qoryooleey laga dhigo Gobol cusub kaas oo loo bixiyey Gobolka Shabeelada Kore oo ay caasimaddiisu tahay magaalada Baraawe,waxaana qorshahan la socda 2 Degmo oo cusub oo lagu darayo Gobolkan cusub,waxaana haddii qorshahani guuleysto Guddoomiyaha Gobolkaas laga dhigayaa nin qarsoon oo aan la soo bandhigin hase yeeshee ka soo jeeda Beelaha Digil,
halka Guddoomiye ku xigeenkana laga dhigaayo nin kale oo aan la sheegin magaciisa laakiin ka soo jeeda Beesha Habargidir gaar ahaan Beesha (ceyr),waxaana qorshahaas haddii uu guuleysto maamulkaas la hoosgeeynayaa Maamulka Goboleedka Koonfurgalbeed ama Jubbaland.

Shaxda labaad ayaa waxaa lagu soo bandhigey in Degmooyinka Afgooye,Awdheegle,Wanlaweyn iyo Marka laga dhigo hal Gobol oo magaciisu yahay kii hore oo ahaa Shabeellada Hoose,iyadoo lagu daraayo laba Degmo oo cusub oo aan la sheegin,waxaana Gobolkan lagu wadaa inuu Guddoomiye ka noqdo nin ka soo jeeda Beesha Biimaal oo aan magaciisa la sheegin uuna ku xigeen ka noqdo nin ka soo jeda Beesha Habargidir oo aan magaciisa la sheegin,waxaana Gobolkan haddii lagu guuleysto qorshahan la Raacinayaa ismaamul Goboleedka Banaadirland.

Haddaba markii Wasiirka Arrimaha Gudaha arrintan la hordhigey ayuu Gaashaanka ku dhuftey oo diidey,asagoo Xaabsade u sheegey in arrintan uu wato laga leeyahay mudnaanteeda oo ay jiraan wasiirro ka xiga deegaanka oo qorshahan soo jeedin kara ama diidi kara,iyadoo arrintaasna keentey inuu wasiirka si adag uu gaashaanka ugu dhufto,waxaana Jira arrimo dhaqaale oo wasiirka la soo hor dhigey hase yeeshee uu ku qosley,asagoo sheegey inuusan ahayn dadka baahan ee sharaftooda dhaafsada dhaqaalaha.

Hase yeeshee markii magaalada Bardaale uu qorshahani ku fashilmey ayuu xaabsade wuxuu soo hordhigey Golaha Wasiirada shirkii u dambeeya ee ay ku yeesheen magaalda Baydhaba kaas oo uu shir Guddoominaayey Prof Saalim Caliyoow Ibroow,waxaan arrintii mar labaad ka hor yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha ,xubnaha kale ee Golaha wasiirada ayaa la kala saftey Xaabsade iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha,iyadoo inta badan Golaha wasiiradu la safteen Wasiirka Arrimaha Gudaha,halka Xaabsade ay la safteen xubno aad u yar oo ka soo jeeda inta badan Beelaha Hawiye.

Markii ay dooddu kululaatey ayaa labada wasiir waxay isdhaafsadeen haddalo kulul ka dib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Xaabsade ku canaantey inuu faraha la galey howl uusan shaqo ku lahayn oo siyaasad ahaan iyo Deegaan ahaanba ay jiraan dad lagala hadli karo oo asaga wax ka quseeya aysan jirin;halka uu xaabsadena Wasiirka ku canaantey inuu doonayo in Gobolka uu u gacan geliyo Jaamac Baloow oo aan xaq u lahayn inuu madax ka noqdo Gobolka.

Markii arrintu muran isku beddeshey ayaa shirgudoonka Golaha wasiirada ee Salim Caliyooow Ibroow ku dhawaqey inuu shirku xiran yahay asagoo aan dhinacna taageerin
Haddaba xogta warkan oo aad u dheer ayaan ka soo xiganney xubno siyaasiyiin ah oo ku sugan magaalada Baydhaba hase yeeshee naga codsadey inaan magacooda la sheegin,ayagoo sheegey in qorshahan lagu kala qeybinaayo Gobolka Shabeellada Hoose ay wataan xubno Ganacsato,Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno kala duwan,waxana fulinta qorshahan loo wakiishey Maxamed Ibraahin Xaabsade, oo aad la socotaan inow waligiis gacan saar ama heshiis la lahaa kuwa xooga ku jooga Koonfurta Soomaaliya.

Shaxdan ayaa ah iskudey ballaaran oo ay Ganacsato iyo siyaasiyiinta ku soo caanbaxdey Dagaalada Sokeeye ku doonayaan inay ku hantiyaan deegaanka ugu barwaaqada badan Soomaaliya,iyagoo doonaya inay siyaasad,dhaqaale iyo deegaan intaba ku yeeshaan saameynta ugu ballaaran.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha Xaabsade uu wato ayaan ku ekeyn asaga oo keliya,waxaana garab ku siiyey lana shaqeeya xubno ay ka mid yihiin Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolkan,oo Markii ay ku fashilmeen Maamul wanaagsan oo shaqeeya oo kalsooni iyo taageero ka haysta xukuumadda dhaxe iyo Shacabka Gobolka ay Markan Maciin bideen in la kala qeybiyo Gobolka,sida uu noo xaqiijiyey siyaasiga aan warkan ka soo xiganney.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa ku fashilmey inay taageero kaga helaan dadka ay khuseyso Arrimaha Gobolka Shabeellada Hoose gaar ahaan Xildhibaannada ku jira Dowladda Federaalka kumeelgaarka ah,waxayna Markii ay taas wayeen ay la hoos galeen Siyaasiyiin aan xaq u lahayn inay ka taliyaan ayaaha Gobolkan.

Sidoo kale warku wuxuu intaas ku darayaa in kala qeybinta Gobolka Shabeellada Hoose uu gacan weyn ku leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir oo doonaya inuu ku darsado deegaanka barwaaqada badan leh marka ay timaaddo hergelinta nidaamka Federaalka oo looga fadhiyo inay fuliso xukuumadda Nuur Cadde.

Sidoo kale xubno ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Dhooblleey ayaa ka dhawaajiyey in Gobolka Shabeelada Hoose,Banaadir ,iyo Shabeelada Dhaxe la isku xirey maamul mid ahna loo dhisi doono,iyadoo fikraddaas iyo midda ay wataan xubnaha Maamulka Gobolka iyo qaarka ka tirsan Golaha Wasiiradu ay iswaafaqaeen.

Si kastaba ha ahaatee aayaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ah mid sabeynaya oo sida uu aakhirkii noqonayo ay tahay mid mugdi weyn uu ku jiro,maxaa yeeley dadka wata Siyaasaddan ha noqdaan kuwa Gobolka u dhashey ama ha noqdaaan kuwa bah wadaagta la ah waxa lala dabajoogaa dhaqaale aad u ballaaran oo ay ku fuliyaan qorshahan hadda la wado,waxayna u dhowdahay haddii aan la helin.

Siyaasiyiin Aqoonayahnno,Ganacsato,Odeyaal dhaqameedyo waddaniyiin ah oo isku xiran inay horjoogsan karaan qorsha hadda socda.

Sida looga bartey dadka Gobolkan ka soo jeeda oo ah inay cabsadaan ama ay dabadhilifnimo ku shaqeeyaan,Dhaqaale dhulkoda ku beddeshaan,iyagoo ka bakheylaya xoolahooda ay ku difaacaan dadkooda iyo dalkooda iyo inay is xasdaan ayaa mar kasta keenta inay suuroobi weydo inay u madax banaanaadaan Maamulka Dalkooda.

Dhinaca kale dadka wax ma garadka iyo kuwa meelaha dhow wax ka fiirirya ayaa lagu beerlaxawsadaan in Beelaha Mirifle ee ay daagaanka iyo dhalashada wadaagaan Beelaha Digil aysan marnaba waxba u oggoleyn,marka ay timaaddo awood qeybsiga Maamulka Dalka,iyadoo loo sheegayo in mar kasta awood looga qaato xaqa ay Beelaha Digil ay leeyihiin ayna maroorsadan kuwa Mirifle.

Hase yeeshee waxaa isweyddiin mudan ninka doonaaya inuu qaato deegankaaga ma oggolaan doonaa inaad ka muuqato Siyaasadda Dowladda dhaxe iyo tan Gobolkaaga?Jawaabtaa waxay u taalla dadka ay khuseyso.

Howshu weli waa socotaa oo waxaa socda loobin aad u xoog badan oo siyaasad,xoog,dhaqaale intaba iskugu jira,haddii aan loo helin mid taas u dhigantana waxa hubaal ah inay meel mari doonto sida looga daba tagaan ay adkaan doonto.

fadlan wixii fikir ah nagu siyaadi ama nagu kordhi kuna soo dir Emailka hoose.

Tafatiraha Wargeyska
Mohamed Deeq Xaaji Ali
banaadirpost@gmail.com