Search This Blog

Tuesday, July 22, 2008

Ciidamada Cusub ee dhawaan tababarka ku soo dhamaystay Dalka Itoobiya oo ku soo jeeda Moqdisho iyo meelo kale


Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, kadib markii degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose uu isku dhac ku dhexmaray ciidamada Cusub ee dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya iyo ciidamo ka tirsan maamulka degmada Afgooye, waxaana tacshiirad la is weydaarsaday ku dhintay Askari ka tirsanaa ciidamadii horay ugu sugnaa Afgooye, iyadoo uu sidoo kale uu ku dhawaacmay mid kale.

Ciidamada ayaa waxaa horkacaya saraakiil Malateri oo ku socda baabuur gaashaamaan, amar siiya ciidankan tababaran, gobolkan Shabeelada Hoose, gaar ahaan Afgooye ayaa waxa jira xaalad la wada ogyahay sida tahay, waana meesha la rabo iney wax ka bilaabaan, aamaankeeda sugaan, si lama filaan ah ayay ku yimaadeen subaxan magaalaada Afgooye.


Wararku waxey sheegayaaan in markii ay yimaadeen Ciidamada dowladda ee lagu soo tababaray Itoobiya ayaa markii ay magaalada Afgooye soo galeen waxaa ku amreen ciidamadii maamulka in ay hubka iska dhigaan taasi oo keentay in ay dagaal bilaabaan, waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi cusub ay ka qaateen kontoroolka Magaaladaasi 3-qori AK47-ah.

Dhinaca kale xaaladda degmada Afgooye ayaa haatan u muuqata mid kacsan waxaana ay cidamadii dawladda ee ku soo tababartay Itoobiya ay fariisimo ka samaysteen xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay Koontorolka Afgooye iyo xarumaha ciidamada, Warshada Itoop meel u dhow ayay fariisin kale ka sameysteen, dhinaca Markana waa daegaan, dhamaan irdaha laga soo galo Afgooye ayay xirteen....

Banaadir Post