Search This Blog

Wednesday, July 23, 2008

Guddoomiyaha guddiga fulinta isbahaysiga dib u xoreynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in kuwa ku sugan Tuulada Asmara ka baxeen Is



Guddoomiyaha guddiga fulinta isbahaysiga dib u xoreynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay garabka Asmara sheegeen in xilkii ey ka qaadeen ayaa gaashaanka ku dhuftay xil ka qaadistaasi, wuxuuna go'aankaasi ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Jawaab-celintii ugu horeysay ee uu Sheekh Shariif ka soo saaray xil-ka-qaadistiisa looga dhawaaqay caasimadda dalka Eriteria ee Asmara, ayaa waxa uu si kulul ugu naqdiyey Talaabada uu Munaafiq Oday Xasan Daahir Aweys ku sheegtay inuu kala wareegay Xilka Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga D/xoreynta.
Sheekh Shariif oo haatan ku sugan dalka Jabuuti, ayaa waxa uu khadka telefoonka wareysi xasaasiyad leh ku siiyey telefishinka Al-Carabiya oo ay xaruntiisa dhexe ku taallo magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in Inqilaabka uu Oday Xasan Daahir Aweys ku sameeyey jagadiisa ey tahay mid sharci-darro iyo qaanuun darro ah.Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah hogaanka sare ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta Somaliya ayaa sheegay in talaabadda Xasan Daahir tahay mid wax u dhimayso heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday caasimadda dalka Yeman ee Sanca, wuxuuna farta ku fiiqay inay Shirkaasi ka soo qeyb galeen Wakiilo ka socday Oday Xasan Daahir Aweys iyo mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka.
"Xubnaha Isbahaysiga ee haatan ku sugan caasimadda dalka Eriteria ee Asmara ee qaatay go'aanka xil-ka-qaadistayda, kama badno tiradooda 10-xubnood, kuwaasi oo ka mid ah xubnaha Isbahaysiga oo ay tiradooda guud dhan tahay 191-xubnood",
ayuu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku sheegay Wareysi uu Khadka Telefoonka ku siiyey Telefisihnka Al-carabiya."Kuwa ku dhawaaqay go'aanka ee lagu bedelayo hoggaanka Isbahaysiga kuna sugan magaaladda Asmara waa kuwo ka baxay Isbahaysiga, mana matalaan Isbahaysiga, mana haystaan Sharci", ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaashaanka ku dhuftay Xil-ka-qaadistiisa.Isagoo arrintaasi sii ambaaadayo, waxa uu sheegay in Nidaamka Isbahaysiga ee go'aankaas oo kale lagu qaadanayo tahay in la helo Saddex duleel xubnaha Isbahaysiga.
Mar wax laga weydiiyey cidda haatan matali karta Isbahaysiga, waxa uu carrabka ku dhuftay inay iyagu matalaan Isbahaysiga, isla markaana kulanka ay ku yeesheen magaalladda Jabuuti ay isugu yimaadeen Saddex duleel tiradda guud ee Isbahaysiga, wuxuuna ku celceliyey in go'aanka isaga xilka looga qaaday yahay mid sharci-darro ah.Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu Wareysiga uu siiyey Teleishinka Al-carabiya si kulul ugu cambaareeyey Dowladda Eriteria inay carqallad ku hayso nabadda iyo deganaanshaha guud ee dalka Somaliya, wuxuuna beeniyey inay Dowladda Eriteria tageero siiso Golaha Maxkamadaha Islaamka iyo Kooxaha Mukhaawamadda ka wada gudaha dalka Somaliya.
Banaadir Post.
Xamar cade.