Search This Blog

Wednesday, July 23, 2008

Maleeshiyada Taliye xigeenka Booliiska G/Sh/Hoose oo wax la dilay iyo wax baxsaday noqday ka dib kolkii ay iska horyimaadeen Ciidamada Milateriga ee l

Ciidamada Militeriga ee dhowaan lagu soo tababarey dalka Itoobiya ayaa maanta hub ka dhigis ku sameeyey qaar ka tirsan malleeshiyaadka Booliska Gobolka Shabeellada Hoose,ka dib markii ciidamadu halkaas soo gaareen,waxana hub ka dhigista sababey ciidamada ayaa markii ay magaalada soo galeen waxay arkeen malleeshiyaad aa darees wadan misna ku sugan laamiga degmada Afgooye,waxayna ku amreen inay hubka dhigaan hase yeeshee malleeshiyaadka ayaa diiday amarka oo bilaabay inay dagaalamaan.

Tacshiiradda la isweydaarsadey ayaa waxa ku dhintey Mid ka mid ah Booliiska degmada iyo 3-ka tirsan malleeshiyaadka maaamulka Gobolka Sh/Hoose oo ay ku badan yihiin beesha Cayr ee Habargidir,iyadoo laga qaatey hubkii ay wateen,waxana baxsadey kuwo kale,warka ayaa intaas ku daraya in malleeshiyada Booliska ee la diley ay ahaayeen ilaalada Taliye ku xigeenka Booliska Nuuriye Cali Faarax,sidoo kale waraku wuxuu intaas ku darayaa in malleeshiyaadka Booliska Goblka ee ku sugan degmada Afgooye ay magalada dhinac uga baxeen iyagoo aadey dhinaca Gobolka.

Ciidamada cusub ee iskugu jira Itoobiyaanka iyo Soomaalida ayaa waxay iminka degeen Warshadii hore Yaanyada ITOP iyadoo aan la garaneynin inay sii joogayaan iyo inay ka guurayaan,dhinaca kale waxa cabsi laga dareemayaa bartamaha Gobolka Shabeellada Hoose,oo la sheegey inay ka socodaan abaabul ciidan oo ay wadaan kooxo diiddan imaanshaha ciidamada cusub.

Waxa qax iyo jahwareer ku abuurmey shacabka degan magaalooyinka Shalanbood,Buulomareer,Jannale iyo Marka,halkaas oo dadku ka cabsi qabaan saameyn ay ku yeelato diyaargorowga ciidan ee halkaas ka socda,iyagoo ka cabsi qaba inay halkaas ku soo wajahan yihiin ciidamada cusub.

Xafiiska daafeet.com,
Muqdisho