Search This Blog

Wednesday, July 23, 2008

Odayaasha dhaqanka ee Baladweyn oo Jawaab kulul ka bixiyey Waraaqo lugu daadiyey Magaalada Gudaheeda.



Golaha Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baladweyn ayaa jawaab kulul ka bixiyey Waraaqo lugu daadiyey gudaha Magaalada Baladweyn ,kuwasoo loogu digayey Odayaashaasi.

Golahan waxa ay ku sheegeen talaabada Waraaqaha lugu daadiyey kuwa looga soo horjeedo Horumarka gobalkaasi & Dadka ku dhaqan ,waxa ayna sheegeen in looga baahan yahay kooxihii ka dambeeyey in ay warkaasi ka laabtaan.

Sheekh Yuusuf Sheekh Max’uud oo ka mid ah Odayaashaasi ayaa sheegay in talaabada u arkaan mid lugu cabsigalinayo dadaalada ay wadaan ,isagoo sheegay in aysan marnaba howlahooda joojin doonin.
Wuxuu sheegay in aysan marnaba habooneyn in ay sidan oo kale ay yeelaan kooxo doonaya in ay Soomaaliya xukumaan ,waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in ay Waraaqahan qoreen dad ka soo horjeeda Horumarka gobalkaasi Hiiraan.Yuusuf mar la weydiiyey joojinta Howlihii ay wadeen & in kale ayuu sheegay in ay dhawaan la kulmayaan ciidamada dawladda Itoobiya ayna kala hadlayaan xaaladaha gobalka Hiiraan & ka shaqeynta howlo nabadgalyo oo Magaalada wax looga qabanayo.

Waraaqihii habeenkii xalay ahaa lugu daadiyey Magaalada Baladweyn waxa ay noqdeen kuwa siweyn maanta looga hadal hayey Magaaladaasi ,ayadoo ay dad badan walaac ka muujiyeen Digniinaha loo jeediyey odayaasha ka shaqeynaya nabadgalyada..



Odayaasha Dhaqanka gobalka Hiiraan oo jawaab kulul maanta ka bixiyay waraaqo xambaarsanaa digniino iyaga ka dhan ah oo xalay lagu daadiyay magaalada Beled weyn.

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Beled-weyn ee xarunta u ah gobalkaasi waxaa ay kaga hadleen waraaqo digniino iyaga lidi ku ah xambaarsanaa oo xalay lagu daadiyay magaalada,waraaqahaas oo Odayaasha uga digayay kulamada xal doonka ah oo ay la yeeshaan saraakiisha Itoobiyaanka oo ay ku qanciyaan magaalooyinka in aanay soo gelin si shacabka loo bad baadiyo.

Odayaashu waxaa ay sheegeen in aanay dhag jalaq u siineynin waraaqahan oo uga digaya in ay kulamo la yeeshaan saraakiisha Itoobiyaanka,iyadoo la ogaa in kulankii dhex maray odayaasha iyo saraakiisha Itoobiyaanka ay odayaashu kaga dalbanayeen in ciidamdooda aanay magaalada soo gelin si looga bad baado dagaal magaaladaa ka dhaca.

Waxaa hadaba cad In kooxaha argagixisada ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed ayan kala jecleyn in magaalooyinka lagu duldagaalamo oo la laayo shacabka dagan iyo in kale,maadaama ay hada si cad u sheegeen in ay dilayaan Odayaasha hadii ay mar kale la kulmaan madaxda ciidamada Itoobiyaanka.

“Digniintani waxba uma dhibi doonto sii socoshada shaqada aan u heyno shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Reer Hiiraan,waxaana ognahay in digniintani ay ka timid kuwii horay ulaayay:aqoon yahanada, saraakiisha, culumaa’ udiinka iyo madaxda hey’adaha gargaarka”ayuu si kulul u yidhi sheekh Yuusuf Sheekh Maamuud xiirane oo kulankoodii kadib ay odayaashu u xilsaareen safaafada inuu codkooda kula hadlo.

“Diginiintan waxaan u aragnaa khasaare ay qas wadayaashu la damacsanyihiin odayaasha dhaqanka,laakin taasi nagama hor joogsan doonto in aan shacabkeena usii wadno adeega muhiimka ah ee aan u heyno”ayuu mar kale yidhi Sheekh yuusuf oo ka mida xubnaha golaha odayaasha dhaqanka ee gobalka Hiiraan.

Banaadir Post
Afgooye
banaadirpost@gmail.com