Search This Blog

Wednesday, July 23, 2008

Mas’uuliyiinta dekeda Muqdisho oo is’hortaag ku sameeyey dejinta markab sida raashin dhacay oo ay keensadeen ganacsato Somali ah

Xiisad iyo muran ayaa ka taagan gudaha dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekedaasi iyo iyo maamulka dekeda Muqdisho kaasoo salka ku haya markab uu ku raran yahay raashiin dhacay oo dekedaasi ku soo xirtay, kaasoo ay leeyihiin ganacatadaasi.

Murankan ayaa yimid ka dib markii maamulka dekeda uu is hortaag ku sameeyey in markabkaasi laga soo dejiyo raashin kumanaan tan ah sida la sheegay ah mid dhacay, waxaana labada dhinac uga socda gudaha dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kulamo ay ganacsatadu ku doonayaan in ganacsatada uga dhaadhiciyaan maamulka dekeda iney raashinkaasi la baxaan, lamana oga in mowqifka maamulku uu isbedel ku iman doono iyo inuu ku adkeystaan go’aankaasi ahaa inaa raashinkaasi laga soo dejineynin dekeda Muqdisho.

Markabkan la sheegay inuu ku raran yahay raashinka dhacay ayaa waxaa iska leh ganacsato reer Muqdisho ah oo ku bahowday shirkad lagu magacaabo Al Mustaqiim Trading Co, waxaana wararka laga helayo dekeda ay sheegayaan in raashinkan oo ku jiro jawaano uu ku dhex qurmay oo dusha ay uga taalo (Animal Food) oo la micno ah cuntada xaywaanka, iyadoo taariikhda ku taalana ay muujineyso inuu muddo sanado ah dhacsan yahay, waxaana agaasimaha dekeda Muqdisho uu sheegay in raashinkaan haddi la fasaxo laga yaabo inuu caafimaad daro iyo cuduro hore u horseedo bulshada marka ay isticmaalaan.

Xafiiska war qabadka DayniileMuqdisho

Somaliadayniilecom@hotmail.comdeyniilenews@yahoo.com