Search This Blog

Wednesday, July 23, 2008

Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha ee Dagmada Aadan Yabaal oo La Dhaawacay


Gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha ee Dagmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Muxyadiin Cariish ayaa xalay la keenay Isbitaalka Jowhar, kadib markii koox ka falaagoowdey midowgii maxkamadaha ay wadada u gashay isla markaasna ay rasaas ooda uga qaaday.

Wararka intaasi waxeey ku darayaan in 13-qof oo ka mid ah dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalka Jowhar ayaa ku dhaawacmay gaari ku rogmaday deegaanka Buur-weyn ee degmada Jalalaqsi, kaasoo ku wajahnaa Degmada Jowhar.

Dhaawaca Gudoomiyaha Degamada Aadan Yabaal ayaa yimid kadib markii koox horey oga mid ahaan jirey maxkamadaha oo aad u hubeysan ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen gaarigii uu la socday, oo ku sii jeeday Aadan yabaal,waxaana la dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa, halka mid kale la sheegay inuu ku geeriyooday tacshiiradii la is dhaafsaday.

Dhanka kale, kooxo burcad ah oo aad u hubeysan ayaa dhac iyo baarasho ugu geystay duleedka waqooyi ee Dagmada Jowhar gaari ay la socdeen rakaab ku socday gobolada dhexe kana ambabaxay Muqdisho, iyadoo kooxaha falkaas geystay aan weli gacanta lagu dhigin.

Dagmada Jowhar ayaa waxay habeenadii ugu dambeysay ahayd mid uu saarnaa badow la sheegay in lagu sugayo amaanka, lagulana dagaalamayo kooxo magaalada dhexdeeda isbaarooyin dhigta.


Banaadir Post.

Afgooye(Somalia)