Search This Blog

Tuesday, July 22, 2008

NABAD GELYADA GOBOLKA SH. HOOSE OO KASII DARAAYA


Ka dib markii ay waayahaan dambe saldhig ka dhigteen dhallinyerada Alshabaab ee kasoo horjeeda dowladda federaalka ayaa waxaa soo kordhey, dhibaatooyinka ka dhaca jidadka gobolka sh.hoose.

Ayada oo dhibaatadaasi ay u badantahay jid gooyo iyo weerarro ay kooxdaasi ku qaadeyso ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ethiopianka oo dowladda taageera, hase yeeshee taasi waxay dhibaato ku haaysaa gaadiidka iyo isku socodka dadweynaha.

Dhibaatadaa ay isku hayaan dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda , ayaa waxay fursad u noqotey , kuwa ku mamey markii horeyba inay dadweynaha boobaan, taasi oo ay fursad ka dhigtaan inay jid gooyo fara badan ka sameystaan gobolka gudahiisa marba meel ayaga oo jid gooyo ka sameynaayo.


Waxaan wararku ku heleynaa in jid gooyada ay isu beddeshey inay qaar dhigtaan habeennadii, meesha ay qaarka kale dhigtaan maalin nimadii, taasi oo ay ka dhacdo iinta u dhaxeyso Buufo ilaa iyo No.60, ay u dheertahay dhanka wanaweyn, iyo ballidoogle oo ay kusii kordheen dhibaatooyina.
Ayada oo la ogyahay inay afduubyada iyo dilalka dhanka ceelasha ay kusoo barakaceen dadweyne fara badan oo kasoo qaxey dagaalada ka socda Moqdisho, oo weliba laga ogaarsado kuwa gargaarka u geeya taasi oo ka dhigan in dhibaatada lagu kordhiyo dadweynaha Soomaaliyeed oo la tacaalaa dhacaayo dhibaatooyinkii soo jiitamaayey 18kii sannadood.


Kuwa dhibaatadaan wada ayaa ah kuwa aan meelna ku xirneyn, taasi oo ay ka muuqato dhibaatadaani oo ay wada cambaareeyeen dowladda federaalka iyo kooxda Asmara labadeeda qeyb ee kala ah, kuwa Jebuuti saldhig ka dhigtey iyo kuwa kusoo hadhey Asmaraba.

Haddaba kuwa dhibaatada ka woda sh.hoose ayaa ah kuwa aan meelna ku xirneyn, oo aan loo saran Karin Maxaakiimta iyo Isbaheysiga iyo dowladda, haddaba waxay keli noqon karaan laba mid, inay yihiin kuwii dhibaatada ka wodey gobolka amase kuwa cusub oo hadda doonaayo inay soo banbaxaan, kana maaleystaan boobka iyo dhaca dadweynaha.

Waxaase maanta wararku sheegayaan in jidgooyo kala duwan ay ka socdaan oo si gaar ah hormuud ay kaga yihiin ciidamo mooryaan uu hor kacaayo Nuuriye Cali Faarax, oo eedeemo fara badan usoo jeediyeen aqoonyahanka gobolka u dhashey, marar badan, laguna tuhmaayo inuu lug ku leeyahay afduubyada ka dhaca gobolka gudahiisa.

Xafiiska Jammaamejammaame@gmail.com