Search This Blog

Monday, April 6, 2009

Indhacade “Qofkii Suuqa qof ku dila isagana dila, xaq kuma dilinee”.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ah madaxda sare ee garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo sida uu sheegay aan xaq ahayn.

“Dila ninkii qof ku dhex dila suuqa, xaq kuma dilin ee dano kale ayuu ku dilaye” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo sheegay in dilalka ka dhacaya Muqdisho ay xaaladda uga sii dareen, isagoona ku eedeeyay kuwa falkaasi ka dambeeya inay yihiin dad fidnada kala soo dhaqaaqay dhulkooda.

“Shacabka way barakaceen, dagaal kalema uma noqdo, waxaana mujaahidiinta joogta dalka ugu baaqay inay afkaarahooda mideeyaan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo dhinaca kale sheegay marka la helo afkaaro mideysan inay ku guuleysan karaan mujaahidiinta sidii ay uga tallaabsan lahaayeen hagardaamooyinka ay maleegayaan gaalada.

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan kooxaha burcad badeeda ee ka qaraabata biyaha dalka mararka qaarna meelo ka baxsan, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka tirsan mid ka mid ah garabyada ururka Xisbul Islaam.

Sh. Yuusuf Indha Cadde ayaa cambaareyn iyo eedeyn waxaa uu dusha uga tuuray dowladaha reer Galbeedka uu ugu horeeyo Mareykanka inay "mas'uul ka yihiin" qalalaasaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, isagoona si gaar ah ugu eedeeyey "inay abuureen" kooxaha burcad badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaa meeshaa dhooban waxaa la doonayaa in dalkan lagu qabsado dalka" ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray isagoo ka hadlayey maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliyda.

Mas'uulkan u hadlay garab ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa uga baaqay ummadda Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan maraakiibta shisheeye ee ku soo qul qulaya biyaha ku dhow dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu ku tilmaamay "inay wadaan qorsheyaal u gaar ah".

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com