Search This Blog

Tuesday, March 31, 2009

C/raxmaan SHIFTI oo Muqdisho lagu dilay galabta

Waxaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho siyaasi caan ah oo reer Muqdisho ahaa kaasoo lagu magacaabay C/raxmaan Shifti, waxaana dilkiisa uu yimid xilli israsaaseyn u dhexeysay laba ciidan uu ku dhexmaray wadada Maka-Al-Mukarama, gaar ahaan isgoyska Dabka.

Dilka siyaasigan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada booliska Somaliya Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna sheegay in islamarkiiba lakala dhexgalay ciidankii is rasaaseeyay isagoo tacsi u diray ehelada siyaasiga ku geeriyooday tacshiiradaasi.


Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ey gudi u saareen falkan maanta dhacay ee uu ku geeriyooday siyaashi C/raxmaan Shifti.Wali ma cada sababta dhabta ah ee keentay iskudhaca ciidamadan, waxaana ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 5-ruux oo uu ku jiro siyaasigan.
Dadka qaar ayaa leh waxaa diley ciidanka Maxkamadaha garabka Wasiirka arimaha gudaha.
Banaadir Post