Search This Blog

Friday, March 27, 2009

Maleeshiyaadka Islaamiyiinta oo Muqdisho ku dagaalamay

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay dagaal maalintii labaad ka socda degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdishu.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya maleeshiyo islaamiyiin ah oo ka kala tirsan ururka Maxaakimta Islamaiga ah iyo maleehsiyada Xisbul Islaam ee taageersan Sheekh Cumar Iimaan.
Dagaalkan oo shalay bilowday ayaa xoogagga maxaakimta ay saldhigga booliiska ee Yaaqshiid oo ay ku sugnaayeen kooxda Xisbul Islaam ay ku qabsadeen, waxaana maleeshiyada maxaakimta ey sidoo kale qabsadeen goobo ay Xisbul Islaam ka fadhiyeen waqooyiga Muqdishu.

Dagaallada ayaa mar kale maanta oo Jimce ah dib u holcay kadib markii ay Xisbul Islaam isku dayeen inay dib u qabsadaan saldhigga Yaaqshid oo ay haatan ku loolamayaan gacanta labada dhinac.

Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan ayaa ku macneeyey in dagaalkaais uu yahay mid aan qorshaysnayn balse uu ahaa mid ku bilowday dhac ay gaari u gaysteen koox budhcad ah.

Gaadiid ayaa la sheegay intii dagaalku uu socday inay labada dhinac iska gubeen. Dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Sheekh Sharriif uu ku soo laabtay magaalada Muqdishu.

Koshin Yare
SS......op.