Search This Blog

Wednesday, June 18, 2008

Xubnaha Isbaheysiga ee Asmara ku sugan oo sheegeen inay weerari doonaan Sh. Shariif haduu tago Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxayay warar sheegaya in Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu gaari doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo xubno Isbaheysiga dhinaca taabacsan kamid ah ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyagoo kulamo kula leh madax ka tirsan beesha caalamka kalana hadlayaan arrimaha Soomaaliya iyo heshiiskii iyaga iyo DF ku gaareen magaalada Jabuuti iyo dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Guddoomiye K/xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sakari Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu tagayo dhawaan magaalada Muqdisho isla markaana seexan doono xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu degan yahay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Sakariye waxuu sheegay in Sheekh Shariif ay ilaalin doonaan ciidamada AMISOM ka socda gaar ahaan kuwa Uganda ee magaalada Muqdisho degan isla markaana uusan la kulmi doonin

kooxaha hubeysan ee Isbaheysiga taabacsan kana dagaalamaya gudaha magaalada Muqdisho.

"Kooxaha Isbaheysiga taabacsan Sheekh Shariif waxey u arkaan calooshiis u shaqeyste cusub oo Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray sidaas darteed xitaa inay weeraraan ayaa laga yaabaa" ayuu yir ama u dhigey hadalka Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Ilaa hada Sheekh Shariif iyo xubnaha ay isku fikirka yihiin ma sheegin halka uu degi doono Sh. Shaiif marka uu soo gaaro Muqdisho, iyadoo la ogsoon yahay in magaalada ay ku sugan yihiin kooxo ka soo horjeeda Dowladda iyo qodobadii heshiiskii lagu gaaray Jabuuti, waxaana laga yaabaa in marka uu yimaado Sh. Shariif magaalada Muqdisho uu la kulmo carqaladeyn ay geysanayaan kooxaha ka soo horjeeda heshiiska Jabuuti oo aan aaminsaneyn in heshiis lala galo Dowladda KMG.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Sheekh Shariif ee Muqdisho waxey keeni doontaa fursad qaali ah oo Dowladda u soo hoyatay, iyo ogaanshaha awooda Sh. Shariif uu ku dhex leeyahay kooxaha weerarada ka fuliya Muqdisho...

Ma garan karaa Zakariye culeyska Xamar ku aadan inta uu la egyahay, Beel ahaan, qof ahaa, waa maya waa duc ka yeer ama nin la hadal loo soo dhiibey iska dhahay.


Mohamed Deeq Xaaji.