Search This Blog

Wednesday, June 18, 2008

Tirada dadkii ku dhintay Madaafiicdii iyo dagaaladii xalay iyo shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay (Haweeno da' ah oo ka mid ah dadka dhintay).

Tirada Dadkii ku dhintay Dagaaladii iyo Madaafiicdii xooganaa ee shalay iyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, iyadoo dadka dhintayna ay u badan yihiin Haween qaarkood waayeelo ahaa.

Wararka laga helayo Deegaanadii shalay iyo xalay maqribkii Dagaalada ka dhaceen ayaa sheegaya in la arkayay Meydadka dad rayid ah iyo qaar saaka la aasayo, kuwaasoo si arxan daro ah ugu dhintay Madaafiicdii ay isticmaaleen Ethiopianka.

Degmada Wardhiigley oo xalay maqribkii ka dhaca mid ka mid ah Dagaaladii ugu cuslaa ee waayahan ka dhaca halkaas ayaa waxaa la sheegayaa in Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah xaafadahaas ay ku naf waayeen dad gaaraya ilaa 6ruux oo afar ka mid ah ay yihiin Haween waayeelo ah.

Sidoo kale Xaafada Suuqa Xoolaha oo iyana ay ku dhaceen Madaafiic waa weyn ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd.

Deegaanka waxar Cade ee Degmada Huriwaa waxaa gaaray saameynta dagaaladii shalay, iyadoona dad gaaraya 4 ruux oo labo isku qoys yihiin midna ay aheyd Haweeney 90-jir ah ayaa ku dhintay Madaafiic ay Ciidamada Ethiopia ka soo gameen Warshadii Baastada.

Dhimashadan ayaa ah tii ugu badneyd ee mudooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka dambeysay Madaafiic iyo dagaalo adag lagala horyimid Ciidamada Ethiopia, taasi oo la sheegay in tiro ka mid ah Ciidamadooda lagaga dilay.

Banaabir Post.