Search This Blog

Thursday, June 19, 2008

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb [Maxamed dheere] oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin d

Duqa Muqdisho, wuxuu ku eedeyay dagaallada ka socda Muqdisho kooxda argagaxisada ee Al-shabab, isagoo sheegay in askarta Dowlada Federalka iyo kuwa saaxiibadood ee Itobiyaanka ay ku jiran difaac, balse aysan weerar ahayn.

"Ciidamada Dowlada Federalka iyo kuwa saxiibka aan nahay ee Itoobiyaanka waxay xaq u leeyihiin inay is difaacaan haddii lagu weeraro xarumahooda, waayo kooxaha dagaallada wada waa ma xishoodayaal" ayuu yiri Maxamed dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu intaas ku daray si heshiiskii Jabuuti uu san u burburin, ayeey Dowlada Federalka difaac ugu jirtaa.

"Dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee shacabka ah waxaan Rabbi uga baryaynaa inuu u naxariisto, kuwii ku dhaawacmayna uu caafiyo" ayuu Maxamed dheere shirkiisa jaraa'id ku sheegay.

Mar uu ka hadlay roobab dhimasho geystay oo ka da'ay Muqdisho welina socda ayuu sheegay in dadka roobabkaas ku dhintay ay gaarayaan 7-qof, ayna booqdeen guryihii ay ku dhinteen, isagoo xusay in marxuumkiiba ay qoyskiisa siinayaan 5-Milayn oo Shilling Somali ah.


Saxaafadda oo Duqa Muqdisho wax ka weydiiyeen xarigga Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo u xiran ciidamada Itoobiya, ayuu sheegay inay aad uga xun yihiin isla markaana ayna qoraallo ku aaddan xarigiisa u direen, Wasaaradda arrimaha gudaha, Madaxweynaha Somaliya iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada Federalka, jawaabna ay sugayaan.

Maxamed Dheere, wuxuu sidoo kale sheegay in guddoomiyaha haddii uusan dambi lahayn la sii dayn doono, haddii uu dambi leeyahayna la ciqaabi doono, isagoo intaas ku daray in ciddii sheeganaysa inay guryo uga jiraan ciidamada Itoobiya ay iyaga la soo xiriiraan.

Mohamed Deeq Xaaji
Banaadir Post.