Search This Blog

Thursday, June 19, 2008

ZEKERIYOOW GALDOGOB MIYAAD MOODEY MUQDISHO? - By Zamzam Laska

Waxaan salamayaa dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Sakariye M. Xaaji Cabdi


Waxaa u adkeysan waayey oo aad iigubeysa hadalada aan loo meel dayan ee ka soo yeeraya SAMADIID ZEKERIYE DHIIG YACAB waxaan aad ulayaabay sida uu ula jecel yahay umada soomaliyeed in dhibta ay ku sii jiraan, sida uu ugu faraxsan yahay barakaca dadka dhamaanaya iyo sida uu raali uga yahay in Ciidamada Itobiya dalka ay sii joogaan, waxaa marag madoonta ah in uu ku hadlayo afka qolada uu magen gelyada ula joogo una rabo inuu u hirgeliyo qorsha hooda ah in Itobia aysan kala soo bixin dalka soomaliya sababta oo ah waxay ka baqayaan in marka ay anaga naga baxaan in weerar ku qaadaan dalka uu magan gelyada ku joogo, bacdamaa uu ogyahay in labadaa dal ay weligood dagaal iskula jireen hadana ey xaaladu intaa ka sii badatey markii Jabuuti weerarka lagu qaadey weerarkaas oo macnihiisu ahaa Jabuuti maxay nabada soomaliya u soo dedejineysaa, Zekeriyana qoladaas ayuu masakaxdooda ku shaqeeyaa waa Alad uu Afweeri u isticmaalo hadaba waxa uu ku fashilin karo Nabada iyo Qaran nimadii umada soomaliyeed oo dib Godkii lagu riday looga soosaaro waana Cadowga umada soomaliyeed Zekeriye iyo inta lamidka ah ee lahaystayaasha ah xoriyadoodiina ku waayey dadkiina hala laayo dalkiina ha burburo ee habakaa igu taageera hadii aad magan gelyo dooneysaan. . waana mid subxaanale aloow soo hanuuni xoriyadoodiina dib ugu soo celi dakaa lahaystayaasha ah oo qoriga caaradiisa afka looga hayo sey dabka u sii huriyaan.

Waxaan aad ulayabaa markii uu hadlo nin inuu kufo mooyee aan sujuuda u dhigi Alle ka cabsi uguna horeeyesay meel diin lagu sheegayo markii ay Barlamaankii beydhabo intey kasoo waayeen derejo Wasiir Maxkamada dib ugu soo carey unakala qeybiyey Isbahaysi iyo Alshabaab, iyo mid waayey derajadii markii hore la siiyey balse moodey inaanba laga dejin karin ka dibna u cararey Casmara isagoo og hadaladii ka sheegay Xamar ee ahayd dowlada itobia walaalaan nahay labadeena Basaboor isku mid bey noqonayaan Xuduudaheenana waa la isu furayaa , Mid waa nin Safiirkii C/qaasin ka dhigay markii C/llahi Yuusuf ka qaadey, hadana ugu tegay NewYork ugu tegay C/llahi yusuf isagoo ka qal qashanaayey inuu Safiirka USA ka dhigo tii markuu waayeyna isagoo ahaa ninka ugu Balwada badan Khamrigana uu u ahaa Sharaabka Caadiga ah oo dadku cabaan ayaa Casmara is yiri bal mucaaradkaa jooga aadoo in aad wax ku heshid, marka waxay su'aasha meesha talaa oo in la isweydiiyo ay tahay maxay soo kordhinayaan waa su'aal aan dadweynaha u deynayo iney ka jawaabaan sida ay ula muuqan karto dadkaa wax ay isku keeni karaan, mase la weydiiyey Zekeriye hadii uu heli lahaa Barlamaankii uu ku soo hungoobay doorashadii ka dhacdey dalka Ingiriiska ma ku soo noqon lahaa Casamara Jawaabtu waamaya malese markey u socon weydey ayuu casmara si kedis ah ku soo galay, waxaa marag madoonta Zeriye hadii uu ogaan lahaa in shir nabadeed uu sheekh Shariif kaga qeyb gelaayo dalka Jabuuti inuusan ku laabteen Casmara waayo weligiiba diin kama hadlin dalna muu difaacin ee wuxuu is oran lahaa bal in aad meelaha wax ka soo heshid aad nasiib daro shirkii iyo waxaa kulmay asagoo xabsigii Casmara oo lagama soo baxaanka ahaa galay. marka inuu weyraxo waa ku nefisayaa oo waa nin ciil farta dhexda uga qaniiney balse qoriga afka looga hayo hadal la leeyahay allow ceymi oo bad baadi umada masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee dhibta iyo herdenu dushooda ka dhacayo cidii nabada u keentana waan soo dhoweyneynaa waxaan leeyahay, midhaa waxaa soo dhowaatey wakhtigii Nasriga Illahay Noo soo degeysay ee aan iska celino Munkiriinta Casmara iyo inta la mooqifka ah, waa inaan Banaanbax ku muujinaa taageerada nabada waa inaan taageernaa nabada waan fahmi karnaa Kharaarka Colaada iyo Macaanka Nabada sida ay u kala duwan yihiin markaa waa inaan u istaagnaa sidi aan soo dhoweyn lahayd nabada iskgana fogeyn lahayn colaada na ragaadisay.waxaa dadka reer xamar ku maah mahaan Bisha hadey ku rabto Bakool maxaas kaa dhibaa macnaheedu waa Bishii baa ku rabta marka Xidigtu maxay kaa dhibeysaa oo bishii baaba iftiin waa wakhtiga Cadaha ama bisha 14 keeda oo idtuuku jiro taas oo aan uga gonleeyahay Zekeroyoooooow Sheekh shariif Soomali Nabad doon ah ayaa wadata marka hadalka aad ka soo tuureysid Casamar maba la dareemin baan ku oran lahaa ee afka qabso Maxmadii ku sugeysena waa halkeedii int aad ka midka tahay ee dabka babiska u haysta hortaa jiraba ku guuleysan waa waxa aad wado e danbiga ha isku sii badin walee sheekh shariif baad tiri Xamar baa lagu Madfaceynayaa adaan ku jar jarjareynaa,waxaahadalkeyga ku soo gaba gabeynayaa.

CEESAANTII MAS IYO GOOD MADAX SHABEEL LEEFTAA MALAGEEDI BAA GALAYEEY ISKA HADLOOW IN HAJI ABDI GUUL SHEEKH SHARIIF ILLAAHNA HAKULA JIRO CADOWGAADANA ALLAHA JEBO CADOWGAADA WAA CADOWGA SHACABKA SOOMALIYEED

Wabillahi Towfiiq
Zamzam Laska