Search This Blog

Thursday, June 19, 2008

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ma kulmidoonaan ?

Waxaa sii lama filaan ah ku woda tegey ras'iidulwasdssre Nuur Xasan Xuseen , iyo Sheekh Shariif , labadaa xubnood oo ah kuwa maanta saaxada la hadal haayo.
Nuur Xasan Xuseen oo ah ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka ku meel gaarka, oo ah ninka soo jeediyey inuu ruux kastaa ee Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu ka qeyb galo dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed.


Isla markaana caddeeyey in mucaaradada ay ay yihiin rag Soomaaliyeed xaqna u leeyihiin in lala hadlo, lana ogaado waxa ay qabaan, oo ay dalka iyo dowladda ka sheeganayaan.
Arrintaasi waxay u horseedey in heshiisyo lala galo mucaaradada oo ay hoggaaminayaan SHeekh Shariif iyo Shariif xasan oo labada kala ahaa xubinaha oogu sarreeyey Sibaheysiga dib u xureenta Soomaaliyeed.


maantase , ka dib markii heshiiskii laysku raacey in lagu soo saxiixo dalka boqortooyada Sacuudiga, lana billabey qabanqaabadii ay xubnaha labada dhinac ka socdo sidii ay dalkaasi ku tegi lahaayeen, ayaa waxaa ay woda tegeen dalka kenya , magaalada Nairoobi, raiisul wasaare Nuur cadde iyo Sheekh SHariif, labadooda oo kala hoggaaminaayo wafdiyo.
Labadaa masuu; ayaa waxay la shirayaa xubno ka tirsan dowladaha deeq bixiyayaasha, isla markaana waxaa la filayaa sida ay wararka qaar sheegayaan , labadaba waxaa laga yaabaa inay halkaasi ku yeeshaan kulan qarsoodi ah .


Kulankaasi oo laga yaabo inay horey ugu sii dhaigaan heshiiskii Djebouti, isla markaana ka dhaadhiciyaan dowladaha deeq bixiyayaasha inuu heshiiska yahay mid meel mar ah, looguna daneynaayo umadda Soomaaliyeed ee dhibaaatada ay soo dilootey.

Xaayke eemaan Suufow Xaayle278@hotmail.com