Search This Blog

Thursday, June 19, 2008

Galkii guuldarrada waa maqaal uu qoray Dr Shariif Saalax oo ka tirsan xubnaha Isbaheysiga Asmara ku sugan.

Galkii guuldarradaShirkii Soomaalida ku dhammaaday Djibouti 9 kii June 2008

Sida Is-bahaysigu hore u sheegay, heshiiskii ay madaxdiisii hore kula galeen Nairobi habka ku-meel-gaarka ah 4tii Abriil 2008, kuna dhammaaday Djibouti taariikhada kor ku xussan, wuxuu gunaanadkiisii noqday mid guuldarraystay.Kuwii shirqoolkaa maleegay, ee shisheeyaha ahaa, uma ay dan lahayn in Soomaaliya nabad lagu soo dabbaalo. Waxay ujeedeen, oo qur ah, inay wiiqaan halganka xaqa ah ay Ummaddennu ugu gundatay inay isaga xurayso gumaysiga Xabashida, dalkeeda xoogga ku qabsaday. Kuwii Is-bahaysiga sheegtay, ballankiisana ka baxay, lana fariistay kuwii ka socday habka k/m/g, kama ay soo hoyin hal shay, ama hal dhibic oo tix-gelin mudan, sidaannu hore u saadaalinnay.

Markaa, ma waxaynu ku sifayn karnaa kulankaa shirkii guuldarrada ama guldarradii shireed?.Labaduba. Arrinta ugu wayn oo" mucaaradku" goobtaa shirka uu keenay waxay ahayd: ciidammada xabashida ayaan Dalka ka saaraynaa. Qodobkaas oo ay shacbiga soomaaliyeed, si aan kala joogsi lahayn ugu ballan-qaadeen inay u xaqiijin doonaan, idaacadaha gudaha iyo dibaddana, 40kii maalmood oo la soo dhaafayna ay ka faafinayeen, har iyo habeenba, heliddiisana ay yiraahdeen inay tahay sababta ay Jabuuti Ku-meel-gaarka u hor-fariisanayaan. Maxay se ku dhammaatay? Taariikhdan kor ku xussan waxay saxiixeen wax ka soo horjeeda waxay ballan-qaadeen, oo ay faafinayeen oo ah sidatan:

A. Cidammo UN imaatinkooda la hubin1. Markay yimaaddaan Soomaaliya ciidammo Ummadaha Midoobay[ lama oga waqtiga ay imanayaan, qaabka, shuruudda ay ku imanayaan, mindhaa 2-3-4 sano gudahood], habka k/m/g 4 bilood gudahood wuxuu ka codsan karaa dowladda xabashida inay ciidammadeeda kala baxdo Soomaaliya.

2. Ka bixidda ciidammada Xabashida ee Dalka waxaa u shardi ah in ciidammada UN ay ku filanyihiin xajinta ammaanka Soomaaliya, go'aankana Xabashida ayaa iska leh. Dalkan dambe wuxuu go'aasan karaa inuu yiraahdo: "amniga Soomaaliya kuma aammini karo tirada ciidammaduu UNku keenay, oo raba inay I beddelaan [haddiiba la helo.] ee soo kordhiya, weli soo kordhiya, haddana soo kordhiya. Sidaana sabab uga dhigaan muddo-dheeraynta joogitaankooda.

B. Muqaawamada in argagixiso lagu sheego,hubkana laga dhigoHalgameyaashii ay shalay sheeganayeen inay la jaal yihiin, oo isku mabd'ana yihiin manta waa ku ballan-fureen, cadowga inuu ugaarsadona way u saxiixeen.

C. Waxay oggolaadeen, kulana heshiiyeen ku-meel-gaarka inay takooraan, iskana bar.i yeelaan inta "nabaddan" la kala saxiixday diiddan, ama dagaal sii wadda!

D. Dhabar-kawareenka Is-bahaysiga iyo halganka hubaysan, oo ah natiijada shirkii Jibuuti
1. Kooxda shirtay waxay sharciyeeyeen joogitaanka ciidammada Xabashida, iyagoo qaatay aragtidii k/m/g. Ballan laga qaaday, siday sheeganayaan, ee bixinta Xabashida ma jiro.Mar haddii madaxii k/m/g si caddaan u yiri: annagaa Xabashida keennay, mana baxayaan, lagamana hadli karo.Sidaa awgeed si bareer ah ayay go'aankaa ula qaateen Nidaamka Mbagati.Dhinac kale,wada-hadallo loo siman yahay wax wax ku ool ah, la taaban karo, ayaa la kala beddeshaa, ee ballan maran cidina lama hooyato. Sidaa awgeed, shirka looma sinnayn, ee wuxuu ahaa mid hal saf ka kooban,oo isku ujeeddo ah.


[guddoomiyihii hore Isbahaysiga wuxuu Al-Jazeera ka sheegay XASAADKII10ka bishan: "hadday Itoobiyanku baxayaan maxa loo dagaallamaya? Jawaabtiisu waxay tahay: " hadday Itoobiyaanku weli joogaan, dagaalkiinna wadaan maxaa loola dagaallami waayay? Sow Itoobiyaan inaad ka hadashaan laydiima diidin?]2. Hubka ha la dhigo, dagaalkana ha la joojiyo, waa is-dhiibid sabab lahayn.Mar haddii cadowgii hubka loo qaatay weli dagaalkii wado, Dhulkiina haysto, dhibaatooyinkiina ay meeshoodii ka sii socdaan, ma waxaad u bannaynaysaan in dadka trab-trab loo laayo, Dalkana, inta uu isku fidiyo, loo suurta-geliyo MUSTACMIRADDA uu raadinayo?. Taana ma dhici doonto haddii Alle yiri, halgankuna isma dhimi doono.

3. Cambaareeya, oo iska fogeeya kuwa "heshiiskan" diiddan (oo "xag-jirka" ah) waxaa looga gol leeyahay inay mar dambe ARS ay dib u soo jalleecan, kadabkoodana goonni u go'o [ bbc/ss nuse saacihii ugu dambeeyay habeenkii Talaadada, 10 June, wariye Yusuf Xassan wuxuu waydiiyay, madixii ergadii mucaaradku: " waxaad saxiixdeen inaad cambaaraynaysaan iskana faquuqaysaan inta nabadda diddan. Sideed arrintan u dhaqan-gelin doontaan"? Wuxuu ku jawaabay: "Anagu waxaan iska bar'i yeelnay inaan annagu masuul ka ahayn godobta ay kuwaa la yimaaddaan". Haddaba jawaabtaa inuu bixiyo masuulkii wafdiga ugu horreeyay ma loo qaadan karaa? Jiha wareerku ma dhab baa mise waa ula kac? Aragtideenna waa ula kac, wayna ka mid tahay marin-habaabinta abaabulan, aan wax badan soo aragnay, oo loogu talagalay in dadka waxaan jirin loo sheego.

E. Cawaaqib-xumida qorshahan Jibuuti

Qorshahan Jibuuti lagu farsameeyay waa shirqool looga gol-leeyahay in lagu maja-xaabiyo xurnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, loona banneeyo in cadowga Xabashida Dalkeenna wada qabsado.Ujeeddadiisa kale waxay tahay in lagu kala dhantaalo ARS, oo ah ururka keli ah oo ka soo horjeeda haysashada cadowga ciiddeenna qaaliga ah. Dadkeenna waa inay ka digtoonaadaan jihawareerinta ay faafinayaan kuwa aan xil-kaska ahayn, oo had iyo jeer ku andacooda inay Dalka nabad ku soo dabbaali doonaan, Xabashiduna ay ka saarayaan. Kuwaa xariggoodu xoolo kuma jiraan,danna kama ay laha nabad iyo colaad toona, iyagoo iskooda isaga tashaday, oo meesha ka baxay, markay fuliyeen ujeeddooyinkii cadowgu soo maleegay.

Is-bahaysigayagu [ARS] siduu ugu guntaday difaaca Ciiddeenna Hooyo, wuxuu ballan-qaadaya inuu wax walba u hurayo in shacbigeenna uu u soo celiyo nabad run ah oo raagta, xasillooni, sida ugu deg-degsiinnaha badan, isagoo u maraya dhabbe kasto oo lagu xaqiijin karo himiladaa iyada ah.

Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali.
Xubin Golaha dhexe ee ARSAsmara, Eritrea, 12-06-2008

Banaadir Post
mohamedbupal@hotmail.com