Search This Blog

Thursday, June 19, 2008

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA

Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali, waxaan arkay maqaalka la xiriirai shirkii Jibuuti oo ad adiga qortay, laguna soo daabacay shabakadda "Gedonet .com" taariikhda 14/6/2008. Aniga kuma aqaani, waxase laygu kay sheegay in ad tahay shaqsi wax garad ah oo aqoon leh, dhinaca siyaasadana waayo araga ku ah, waddaninimada ku horreya, waxaana lay sheegay in adigoo hoggaaminaya qaybta Civil sociaty ad door weyn ad ka soo qaadatay shirarkii badna ee dib uheshiisiinta Soomaalida oo lagu qabta dalka Kenya. Sidaas daraadeeda, aniga waxaan ka haystay fikrad fiican oo wax ku ool ah.

Waxaanse la yaabay markaan arkay maqaalkaaga, sida ad wax u cabirayso iyo muuqaalka ad ka bixinayso xubnaha ka qayb galay shirka Jibuuti oo ku socday magaca mucaaradaka, waxaad cambareyn xoog leh u soo jeedisay, xubnahaas mitelayey mucaaradka, waxaad eedo kulul u soo jeedinaysa dhammaan dawladaha ku lugta laha shirka Jibuuti, waxaad dhalecaynaysa dhamaan go'aannada ka soo baxay shirkaas, marka sida ad wax kasta u naqdinayso waxay ka muujinaysa xag-jirnimo fogaatay. Aniga waxaan la yaabay sida ay kala yihiin tilmaanta laga bixinayo iyo fikradaha ad soo jeedinayso. Aniga waxay ila tahay inay kuugu habboonayd inaad soo jeediso talooyin wax ku ool ah oo wax toosin ah, iyo saxitaan, way fiicnaanlahayd xataa haddii ad soo jeedinlahayd sida ad rabtaan in wax loo saxo, si shirka Jibuuti u noqonin mid dhicisooway, waase laga fiicanyahay in arrinta ad ka dhigto "qori iyo qaaciisa wa laysla tuuraa" maddaama ummadda Soomaaliyeed ay baahi weyn oo deg-deg ah u qabto nabad iyo degganaasho.

Waxaad naqdisay hadalladii ka soo baxay Sheekh Shariif Axmed oo u ku yiri: maxaa loo dagaallamaya haddii Ethiobya ay bexeyso? Waana run maxaa loo dagaallamaya haddiiba kii dagaalka lagu qaadi lahaa uu iska baxayo? Ujeeddada Sheekh Shariif way iska caddahay, waxaa waaye "ciidamada Ethiobya waxaa loo qabtay waqti ay ku baxaan marka ha la sugo dagaalna ha joogsado ilaa laga gaarayo waqtigaas" Adigana waxaad ku talinaysa in dagaallada la sii wado, ayado an laga war sugin waqtiga la go'aamiyey oo ay ciidamada Ethiobya kaga baxayaan Soomaaliya. Haddaba Shariif Saalaxow, haddiiba laga helo xagga Ilaahay in ciidamada Ethiobya ay isaga baxaan Soomaaliya waqtiga lagu xusay go'aannada shirka Jibuuti, yaa dib u soo celinaya dadka ku dhimanaya, iyo hantitada ku burburaysa daagaallada ad ku talinayso in la sii wado?
Dr. Shariif Saalaxow, mucaaradnimada ma xuma marki la rabo in wax lagu dhiso, xataa mucaaradka hubeysan ma xuma, waa haddii uu wato mowqif nadiif ah oo ku saleysan waddaninimo dhab ah oo ku saleysan u gargaarka ummadda. Shaqsi kasta oo waddani ah dhan kasta ha ka soo jeedee waa inu ka xanuunsado dhibaadada shacabka u ka dhashay, mana ahan inu si kordhiyo dhibaatada horey u haysatay dadkiisa.


Waxase xun mucaaradka doonaya inu xukun xoog ku qabsado oo asigoo an waxba u aabayeelin adeegsanaya wadda kasta oo u ku gaari karo danahiisa. Waxaa xun mucaaradka kan xukun doonka ah oo an kala saareynin wixii sax ah iyo wixii qalada ah oo ay u caddey sidii u talada dalka ku qabsanlaha oo keli iskana indha-tiraya xaqiiq kasta oo jirta.

Haddeer, adinka mucaaradka degay Casmara waxaad iska idha-tiraysaan arrin xaqiiq cad ah oo jirta oo marag madoonto ah, maxaa yeelay waxaad saldhig ka dhigateen magaalo madaxda Eritreya ee Casmara, waxaad marti u tihiin madaxweynaha dalkaas, ha yeeshee waxaad iska indha-tiraysaan sida ay isaga soo horjeedaan danaha ad sheeganaysaan iyo danaha dawladda Eritreya. Adiga madaama ad tahay waayo arag siyaasi ah, waxaan filaya inaad fahamsantahay mowqifka madaxweyne Afawarki oo ku aaddan joogitaanka ciidamada Ethiobya ee gudaha Soomaaliya, waxaan si weyn u filaya inaad ogtahay in waqtigaan la joogo danta Eritreya ay tahay in ciidamada Ethiobya ay ku sii negaadaan gudaha dalka Soomaaliya oo haddana weliba la sii kordhiyo tirada ciidamadaas, maxaa yeelay dawladda Eritreya waxay rabta meel ay isaga leexiso kuna mashquuliso culayska ciidamada Ethiobya madaama ay colaadi u dhaxayso labada dawladood, ee Eritreya iyo Ethiobya. Marka waxaan filaya Dr. Shariif Saalaxow inay ku muuqato in madaxweyne Afawarki inuusan marna taageereynin mowqif lagu dalbayo in dawladda Adisabeba ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, adinkana si sidaas si ka soo horjeedda waxaad sheeganaysaan inaad rabtaan in ciidamada Ethiobya Soomaaliya laga bixiyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Eritreya sidee u ku gaari kara danaha dawladiisa oo sida an kor ku soo xusay ah in ciidamada reer Ethiobya ay mashquul ku sii ahaadaan gudaha Soomaaliya? Danaha sidaas ah ee dawladda Eritreya waxaa lagu gaari kara ayadoo ay si kordhaan horeyna u socdaan dagaallada keenaya xasilooni darrada iyo fowdada ka jira gudaha Soomaaliya, marka cid kasta si sahlan ay u fahmi karta in madaxda Eritreya si ay u gaaraan danahoodaas inay doonayaan in la wiiqo wax qabadka dawladda ku meel gaarka ee Soomaaliya si ay gudan-wayso waajibaadkeeda dawladnimo, lana waayo sharci dhawridda, iyo kala dambeyn, siina bataan fowdada iyo is-colaadeysiga shacabka soomaaliyeed lana waayo cid wax ka qabata xaaladahaas, sidaas daraadeeda dawladda Eritreya waxay rabta in Soomaalida si ay u kala badbaaddo inay miciin bido joogitaanka ciidamada Ethiobya.

Middaan dambe waxay inoo muujinaysa Dr. Shariif Saalaxow, in madaxweynaha Eritreya, Afawarki inuusan marna raali ka ahayneynin in Soomaaliya ay nabad ka dhalato ayna ka maaranto joogitaanka ciidamada Ethiobya, waa xaqiiq jirta oo la wada arakayo in Afawarki uu ku dadaalayo inuu fashiliyo shir kasta oo la xiriira nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Adinkana si sidaas ka soo horjeedda waxaad sheeganaysaan inaad rabtaan in Soomaaliya ad nabad ku soo rogtaan, marka waa kaaf iyo kala dheeri.

Haddaba labadiinaan dhinac, oo kala ah: adinka mucaaradka degay Casmara iyo dawladda Eritreya oo kala wata fikradaha iska soo horjeeda keeba la adeegsada oo lagu dan qunsanaya? Aniga waxay iigu muuqata in dhinaca la adeegsanayo oo lagu dan qunsanayo inay yihiin xubnaha dhinaca mucaaradka Soomaaliya, madaama ay yihiin xubnahaas kuwa hoggaaminaya dagaallada micna darrada ah oo ka socda gudaha Soomaaliya dagaalladaas oo ay ku dhamaanayso ummadda soomaaliyeed, dagaalladaas waxay dalka ka dhaliyeen xaalado adag sida sharciga oo an la dhawrin, fowdo iyo kala dembeyn la'aan, waana madaxda mucaaradka ku shirsan Casmara waxaa abuuraya xaaladahaas oo u keenaya Soomaaliya dhibaatooyinka badan, waxaana xaaladahaas waxa ka dhigaya lagama maarmaan joogitaanka gudaha Soomaaliya ee ciidamada Ethiobya, waana intaas inta ay ka koobanyahiin danaha ay Eritreya ku wadato mucaaradka soomaaliyed oo martida ugu ah Casmara. Marka waa in sidaas loo fahma ujeeddada dawladda Eritreya.

Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com