Search This Blog

Saturday, June 21, 2008

Nairobi: Sh. Shariif oo sheegay in ciidamada Q.Midoobay ee imaanaya Soomaaliya loola dhaqmi doonin sidii Itoobiya oo kale





Sh. Shariif Sh. Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Asmara oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ama kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya ee yimaada dalka loola dhaqmi doonin sida ciidamada Itoobiya loola dhaqmo.


"Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ama kuwa dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee heshiis ku soo gala dalka lama mid noqon karaan kuwa Itoobiya" ayuu yiri Sh. Shariif Sh. Axmed oo intaa raaciyay in ujeedada heshiiskii Jabuuti uu ahaa in marka hore 120 maalmood gudahood dalka ugu baxaan ciidamada Itoobiya taasoo uu sheegay in beesha caalamku ay culeys ku tahay.


Sh. Shariif waxaa uu soo dhoweeyay in laga wada shaqeeyo qodobadii heshiiskii Jabuuti ku dhex maray isbaheysigooda iyo Dowladda KMG si mira dhal ay u noqdaan buu yiri dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in xal laga gaaro dhibaatada dalka ka jirta.


Laakiin waxaa jirta in dhinac ka mid ah Isbaheysiga Asmara ay ka soo horjeedaan qorshaha nabadeed ee uu wado Sh. Shariif Sh. Axmed, waxayna aaminsan yihiin in heshiiskaasi uusan noqoneyn mid dhaqan gala xiligan.


Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale qaba in gogortan ama wada hadal lala gelin Dowladda KMG iyo beesha caalamka, waxayna xubnaha ururkaasi ay aaminsan yihiin in xalka kaliya ee ciidamada Itoobiya lagu saari karo uu yahay xabad iyo qaraxyo maalin walba lala beegsado oo ay ku dhintaan dad rayid ah.


Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyadu wado dadaalo nabadeed oo ay ku dooneyso in ay dhaqan galaan qodobadii shirkii nabadeed ee ka dhacay Jabuuti.


Banaadir Post.