Search This Blog

Saturday, June 21, 2008

Ku dhawaad boqol Sarkaal oo laga xulay Saldhigyada Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu tababar muddo





Wasiirka Arrimaha Gudaha Uganda Dr. Ruhakana Rugunda ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxaa uu furay tababarka ay qaadanayaan Saraakiisha Soomaaliyeed ee ka socda Saldhigyada Booliska Soomaaliya, iyadoo uu Saraakiisha Soomaaliyeedna kula dardaarmay in waxyaabaha ay bartaan ay uga faa’iideeyaan saraakiisha kale ee aan iyagu fursadda u helin inay tababarka qaataan.


Tababarkan oo ka furmay Hotelka Jokas oo ku yaala Magaalada Bweyogerere oo u dhow Caasimadda Uganda ee Kampala ayaa waxaa maalgelineysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Barnaamijyada ee UNDP, iyadoo ay casharro ka dhigayaan Khubarro aqoon u leh Arrimaha Booliska.


Saraakiisha ka socda Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la barayaa maareynta dembiyada, anshax wanaagga, is-dhexgalka, diiwaangelinta dembiyada iyo dabagalka dembiyada.


Tababarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska ay dhibaatooyin ka tirsanayaan Dadka shacabka ah ee ku sugan meelaha ay ka howlgalaan, iyadoo waxyaabaha lagu eedayana ay u badan yihiin ay iska xirtaan dad aan waxba galabsan, mararka qaarkoodna ay rasaas ku furaan meelaha ay dadka shacabka ah joogaan kadib marka iyaga rasaas ama qaraxyo lala beegsado.


Ma ahan Saraakiishii ugu horeysay oo ka socota Booliska Soomaaliyeed oo Dalka Uganda Tababar loogu qabto, waxaana horay u jiray Saraakiil kale oo halkaas tababar ku soo qaatay, kuwaasi oo haatan ka howlgala gudaha Dalka Soomaaliya.


Banaadir Post.

Xamar Cade.