Search This Blog

Monday, June 23, 2008

Nin Fallaaro Mariid leh ku hubeysay oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Marka

Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaar Mariid leh, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas.

Ninka dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Nuur Maadey ayaa markii fallaaraha lagu dhufayay waxaa uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, wuxuuna ku sii jeeday gurigiisa.

Dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Xaafadda Buulo Jaan ayaa waxay aad uga naxeen dilka loo geystay ninkaas oo caan ka ahaa Magaalada Marka.

Falaaraha ama hubkaas waxaa caan ku ah dadka degan Koonfurta Somalia, waana hubka kaliya ay aaminsan yihiin ku dagaal galaan.

Lama waxa keenay dilka ninkan, dadka qaar ayaa leh waa AANO ama DAKANO.

Banaadir Post.
Xamar Cade.