Search This Blog

Monday, June 23, 2008

Dadka u shaqeeya Ururada Caalimiga oo la Xasuuqayo











Sadax nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta gudaha magaalada Baladweyne ku dilay madaxii hey'adda CRD ee Gobolada Dhexe Allaha u xariistee Eng Maxamed Xasan Kulmiye xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.


Kooxihii falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo markii ay dileen Eng. Kullane ay horay u sii toogteen wiil dhalinyaro ah oo ay ugu shakiyeen in uu aqoonsaday, iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka danbeysa sarkaalkan.

Dadweyne fara badan oo ka careysan dilka Madaxii CRD ee gobolada Dhexe ayaa gaaray guriga iyagoo ka xumaaday dilka sarkaalkan oo lagu xasuusto howlaha dhinaca dib u heshiisiinta iyo isu keenida beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalama gobolada Dhexe ee dalka.Dilka sarkaalkan iyo ninka kale ee la dilay ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee 24 saac ee la soo dhaafay lagu dilo Baladweyne ilaa sadax qofood oo aan waxba galabsan.

Kooxo hubaysan oo Maanta Suuqa Bakaaraha Muqdisho kudilay Nin katirsanaay Nabad Sugidda Dowladda.

Kooxo hubaysan oo Maanta Suuqa Bakaaraha
Muqdisho ku dilay Nin katirsanaay Nabad Sugidda Dowladda Federaalka


Kooxo hubaysan ayaa Maanta Nin Rayid ah ku Dilay bartamaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ka Nabdoonaay Dilalka qorshaysan.


Dablay ku hubaysan Bastoolado ayaa Suuqa sarifka ku Dishay Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi oo aan la ogayn sababaha loo Dilay.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Marxuumka ladilay uu katirsanaa Waaxda Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya sadaasna ay Xoogaga Kacdoonka kawado ay udileen.

Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdishoi ayaa Maalmihii lasoo dhaafay ka Nabdoonaa dilalka iyo Rabshadaha qorsahaysan waxaana Suuqa ka howlgalo Ciidamo ay leeyihiin Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaas dadka qaar ay dhaliilaan.


Sarkaalkii UNHCR u qaabilsanaa Muqdisho oo xalay kooxo hubeysan ay ka afduubteen deegaanka Ceelasha biyaha ee degmada Afgooye


Waxaa xalay laga afduubtay deegaanka Ceelasha biyaha oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sarkaalkii heyadda qaxootiga UNHCR u qaabilsanaa magaalada Muqdisho oo lagu magaabo Xasan Maxamed Cali, kaasoo sida dad goob joogayaal ahi sheegeen ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo aan laa garaneyin.

Kooxaha afduubka kula kacay sarkaalka u shaqeynayey hey’adda UNHCR oo watay labo gaari oo si ba’ana u hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa iney tageen hoygiisa oo ku yiilay deegaankaasi ceelasha biyaha ee degmada Afgooye, iyagoo xoogna ku galay gudaha gurigaasi ka dibna amar ku siiyey inuu si deg deg ah u soo raaco xilli uu la joogay xaas uu qabay sarkaalkaasi iyo caruurtiisa, waxaana markii ay gaariga ku hubsadeen ay ula dhaqaaqeen dhinaca deegaanka daynile sida dadku sheegayaan.

Kooxda afduubtay sarkaalkaasi ayaa la sheegay in rasaas cabsi gelin ah dhulka ku fureenka dib markii xaaska uu qabay sarkaalka ay isku dayday iney wax ka weydiiso dableydan waxa ay yihiin iyo waxa ay ka doonayaan seygeeda, lamana oga illaa hadda cida ka dambeysa afduubka sarkaalkan, hase ahaatee waxaa mudooyinkan soo badanayey afduubyada noocan oo kale ah ee lagula kacayo saraakiisha iskugu jirat soomalida iyo ajaaniibta u shaqeysa heyadaha samafalka.


Afduubkan ayaa oo ku soo beegmay xili boqolaal kun oo dad ah ay daadsan yihiin duleedyada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya, ka dib markii guryahooda ay uga barakaceen dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana laga cabsi qabaa in afduubkan uu saameyn xooggan ku yeesho gargaarka aan hadaba badneyn ee dadkaasi ay ka helaan hey’adaha samafalka ee ka howlgala Somalia oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo wajahday cabsi la xiriirta dhinaca amaanka howlwadeenadooda.


Nin ka tirsanaa shaqaalaha mid ka mid ah hey’addaha samafalka oo goor dhoweyd lagu toogtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha

Abaarihii 11:30 daqiiqo barqanimo ee maanta ayaa kooxo hubeysan oo aan la garaneynin waxay ku toogteen agagaarka qeybta sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho nin rayid ah oo halkaasi marayey sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.Kooxda dilka ka geystay oo la sheegay iney ka koobnayeen illaa saddex nin ayaa la sheegay in ninkaasi daba socdeen, kuwaasoo ku hubeysnaa bastoolado waxayna markii dambe ku dileen agagaarka suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaa sarta lo yaqaano Cali dheere hoosteeda, iyagoo madaxana xabad kaga dhuftay, taasoo keentay inuu halkaasi ku geeriyoodo, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka u geystay ninkaasi.

Dilka ninkaasi ayaa la sheegay inuu argagax iyo khal khal xooggan geliyey agagaarka goobta uu ka dhacay, waxaana meydka ninkaasi uu illaa hadda yiilay goobtaasi lagu dilay ee gudaha Suuqa Bakaaraha, lamana oga ilaa hadda sababta loo dilay ninkaasi iyo cida dilkiisa ka dambeysay toona, hase ahatee warar soo baxay ayaa sheegaay inuu ka tirsanaa shaqaalaha hey’ad Swedish ah..

Banaadir Post.

News Desk Editor