Search This Blog

Tuesday, June 24, 2008

Gabdho Soomaaliyeed oo Ciraaq ku Go'doonsan si qasab ahne Shaqaale Looga dhigtay.




Rag Xafiisyo ka samystey Magaalada Moqdisho ayaa sheegay iney gabdhaha Soomaaliyeed shaqo uga hayaan Isbitaalo ku yaala Siiriya, kuwaas aan la geyn Siiriya ee la geeyay Ciraaq si lama filaan ah.


Gabdhahaan ayaa midiiba laga qaaday lacag garayso Kun Dollar sida ay ku warameen,waxaana lacagtaas ka qaaday xafiis ay shirkadaan been abuurka ah ay ku leedahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan KM4.waxeyna leedyahay rag kale oo u jooga meelo kale oo kala duwan, sida Ciraaq, Siiriya, Cumaan, Dubai.


Mid kamid ah Gabdhaha ku Go'doosan dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Wiilo Macallin Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegtay inay hadda ku sugantahay Magaalada Sulaymaaniya ee Caasimmada u ah Gobolka ku yaala Waqooyiga dalka Ciraaq ee
Kurdustaan.


Gabadhaan ayaa lagu qasbay in ay u shaqayaan Qoysas Ciraaqiiin ah si Lacag la'aan ahsida ay sheegtay Wiilo Macalin ,iyagoo Qoysaskaan Shirkadii Gabdhahan soo sirtay ka dibna ku sii iibisey lacag gaaraysa laba kun oo dollar lacagtaas ma qadanayaan gabdhuhu ee waxaa qadaanaya shirkadii been abuurka aheyd, Gabdhahan waxay ku shaqaynayan qaab lacagla'aan ah.


Tiradda Gabdhahaan ayaa markii hore ahaa 12 Qofood ayaa hadda sadax ka mid ah Soomaliya dib loogu celshay kadib markii ay sida Wiilo ku warantay ay Calooshoodu Dilaacday Culeyska biyo dhaaminta biyahaas la saaro Dabaqyo dhaadheer.


Ayaan darada heysata Gabdhaha Soomaliyeed ayay tani ka mid tahay, waana masiibo Soomali oo dhan haysa, kuna haysa meel kasta oo joogaan soomali..


Digniin Somaliyeey ka fiirso meeshaad ku socoto,


Banaadir Post.