Search This Blog

Tuesday, June 24, 2008

Dilalka oo kusoo badanaayo magaalda Marka


Magaalada Marka ee magaalada madaxda G/sh/hoose , xaley waxaa ka dhacey dil, loo adeegsadey dariiqad cusub oo aan horey loo aqoonin, kaasi oo loo adeegsadey qalab aan caadi ahayn.


Waxaa halkaasi lagu diley nin sida ay wararka sheegayaan inuu can ahaan, siiba waayahaan danbe noqdey nin maalyahan ah, kaasi oo la leeyahay waxuu ka maaleystey Canbar uu ka heley xeebta magaaladaasi.


Marxuumka halkaasi lagu diley ayaa la dhihi jirey sida la sheegey Nuur Maadey, waxaana la diley asaga oo kasoo baxey masaajid ku yaalla xaafadda Buula Jaan, ee magaalada Marka, ka dib markii uu soo dukadey salaadda Cishaha.


Marxuumkaasi marka uu kasoo baxey masaajidka , nin aan la garaneynin uu la beegsadey fallaar, uuna kala heley ku aadanka wadnaha, halkaasina uu ku ahaa goob la yaal.


Dilaaga ayaa baxsadey isla markiiba oo aan la garan qof uu ahaa,iyo halka uu u baxsadey, waxaase la ogeen sababta keentey dilkaasi, hase yeeshee dadweynaha magaalada Marka ayaa la yaabey habka loo adeegsadey dilka.


Inkatoo arrintaani ay ku cusubtahay, hase yeeshee waxaa la ogsoonyahay in dadka deegaanka ay weligood hubka ay ku caan ahaayeen uu yahay Qaansada iyo Fillaarta, hase yeeshee dadka aan degaanka u dhalan umbaa taasi ka war haaynin.


Waxaana hubaal ah , in hubkaani loo adeegsadey dilka ninkaani uu noqon doono mid dhibaatadiisa ay weynaato, waayo waa hub aan la celin Karin oo u hor seedi karto in dad badan oo ciil qabey ay u wareegaan is ticmaalka hubkaani.


Taasi oo noqondoonta inay dad badan oo deegaanka aan u dhalan oo laga diiddanaa inay , danta ku qasabto inay iskaga baxaan, taasina ay noqoto mid u horseedda in dadka dhibaatada ku haayey gobolka loo adeegsado hubkaani aan codka laheyn.


Wargeyska Banaadir Post.

Tafatiraha Wargeyska.