Search This Blog

Tuesday, June 24, 2008

Faarax Sindiko “anigaa ah Gudoomiyaha XKCS, waxaana taageeraa Muqaawada, dalkana ma imaan doono inta ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka…”



Faarax Wehliye Cadow Sindiko oo wareysi gaar ah ay la yeelatay Idaacadd Somaliweyn ayaa sheegay inuu arrimo caafimaad u joogo dalka Mareykanka, loona soo jeediyay inuu hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu noqdo.


Mr. Sindiko waxa uu sheegay in lagu soo weegeliyay in loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Xiirka Kubadda Cagta, wuxuuna sheegay in hadii ay kooxaha intooda badan isku raaceen inay I doorteen uu aqbalay doorashadaasi.

“Xiirika kubadda Cagta waqtigiisa waa dhamaaday, wuxuuna ku ekaa 12-kii maarso ee aan soo dhaafanay” ayuu yiri faarax Sindiko oo dhinaca kalana sheegay in Ururka Kubadda cagta ee FIFA uusan ogalaanayn wax aan sharci ahayn.


Sidoo kale Faarax Sindiko waxa uu sheegay inuusan isagu u hanqaltaagayn wax xil ah, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay gudiga Fulinta ururka Kubadda Cagta ee Afrika, islamarkaana luusan u baahnayn wax aan ku imaan Doorasho xor ah.


“Muqaawamada ayaan taageeraa Xoog iyo Dhaqaalaba, waana ogyihiin, anigu waxaan ka mid ahay raga ay Itoobiyaanku doon doonayaan” ayuu yiri Faarax Sindiko oo sheegay inuusan dalka imaanayn inta ay amxaaro joogto.


Faarax Sindiko waxa uu mar kale yiri “ Ciidamada Itoobiyaanka inta ay joogaan lagama yaabo inaan imaado dalka, waxaana dalka imaanaa hadii dalka xoog looga saaro ama xeelad”

.Mar la weydiiyay sida uu dalka dibadiisa uga shaqeyn karo isagoo aan dalka imaan ayuu yiri “waxaan la mid ahay Isbahaysiga Dib u xoraynta oo isaguba ka howlgalaya iminka dalka dibadiisa oo ay howshiisa socoto, anigaa aqaan sida loo shaqeeyo “.
Banaadir Post
Xamar Cade.