Search This Blog

Monday, June 23, 2008

Afganistan: Ururka Al-Qaacida oo baaq u diray Dagaalyahanada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya gudaha dalka

Cajalad muuqaan ah oo soconeysay 19 daqiiqo lana soo dhex dhigay website ay leeyihiin ururka Al-Qacida ayaa loogu baaqay kooxaha Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya in ay la dagaalamaan ciidamada Qaramada Midoobay ee la keeni doono Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ururka Al qaacida oo lagu magacaabo Abuu Yaxya Al-Liibi ayaa ku booriyay dagaalyahaninta Soomaaliyeed ee gacan saarka la leh ururka Al-Qaacida in ay la dagaalamaan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Q.Midoobay, kuwaasi oo lagu heshiiyay in la keeno Soomaaliya mudo 120 maalmood kadib.

Afhayeenkan ayaa sidoo kale baaqiisa ku sheegay in aysan aqbalin Soomaalidu wax aan aheyn Dowlada Islaami ah oo dalka laga hirgeliyo, isagoo ku booriyay ineysan qaadan sharuucda caalamiga ah.

Abuu Yaxya ayaa heshiiska dhex maray Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara waxaa uu ku tilmaamay mid aan wax qiimo leh soo kordhineyn, wuxuuna ku amaanay kooxaha Soomaalida ee ka horyimid heshiiska Jabuuti lagu gaaray go'aanka ay ku diidan yihiin heshiiska Jabuuti.

Abuu Yaxya Al-Libi ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiisha sare ee ururka Al-Qaacida, waxaana la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanayo xuduudaha u dhaxeysa Afganistan iyo Pakistan, wuxuuna ninkan horay ugu baxsaday xabsi ku yaala dalka Afgaanistaan xili halkaasi lau xeray.

Yaasin Yare.
Banaadir Online