Search This Blog

Monday, June 23, 2008

Hogaamiyihii dowladdii Carta Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo dadkuna u yaqaanaan INA SALAAD BOOY ayaa wararka ka imaanaya dalka imaaraadka Carabtu waxaa





Cabdi Qaasim ayaa boorso uu sitay waxaa laga helay lacag dhan 4 boqol oo kun oo doolar, waxaana uu sheegay in uu ahaa Transit kuna sii jeeday magaalada Qaahira oo uu dagan yahay.


Wararka ayaa intaa raacinaya in Ina Salaad Booy oo sitay baasaboor Soomaaliyeed oo diplomaasi ah uu ku dooday in uu mar hogaamiye kasoo noqday Soomaaliya, ka gadaal markii lagu qabtay lacago aad u farabadan oo sir baarayaasha garoonku ay aad ula yaabeen.


Cabdi qaasim Salaad Booy oo horay uga qeyb galay tartankii madaxtinimada shirkii Kenya ayaa markii uu guul daresyaty sheegay in uu taageerayo cid kasta oo doorashadaa ku guuleysata, hase ahaatee kadib waxaa uu noqday hogaamiye qaran diid ah oo is qarinaya inkastoo mararka qaar oo uu is heyn kari waayo uu u hadli jiray sidii in uu yahay Afhayeenka qaran diidka, taas oo in badan oo ka mida shacabka Soomaaliyeed iyo dad weynaha caalamkaba ka yaabisay maadaama markii uu ku guul dareystay doorashadii Kenya uu sheegay in uu taageerayo dowladda dhalata.


Warar xog ogaal ah oo ay shabakadani heshay ayaa sheegaya in muddo ka badan 12 saacadod oo Ina Salaad Boy garoonka lugu dhex hayay kadib la ogolaaday in loo fasoxo magaalada in uu galo, iyadoona lacagtii faraha badnayd ee uu watay looga reebay garoonka gudihiisa.


Sii deynta Ina Salaad booy iskama aanay imaan hase ahaatee waxaa damiintay ganacsato ay isku heyb yihiin oo u badnaa kuwii uu soo saaray intii uu ahaa hogaamiyaha kooxdii Carta, iyadoo kadibna uu horay ugusii socday safarkiisii ku wajahnaa Qaahira oo uu ka dhistay guri weyn markii uu ahaa Hogaamiyaha Kooxdi Carta oo dadka qaarna ay u yaqaaneen (Dowladda Taleex) waa xaafad ka mida degmada Hodon ee magaalada Muqdisho oo uu Ina Salaad booy ku koobnaa.
Hada ka hor ayay ahayd markii Xaaskiisa lagu qabtey Lacag aad u badan isla Garoonka Dubai, ka dib markii ay Moqdisho ka soo qaadey, xiligii uu ahaan jirey ninkeedu Madaxweynihii TNG-ee fadhigeedu ahaa TALEEX Magaalada MOqdisho.
Banaadir Post.
Yaasin Yare.