Search This Blog

Saturday, June 21, 2008

Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG oo ku geeriyooday Puntland

Waxaa xalay tuulada Xarfo oo u dhaxeysa Bacaad weyn iyo Burtinle ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG oo lagu magacaabo Maxamed Cali Shiriye, kaasoo mudooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ka hor inta uusan geeriyoon Xildhibaankan ayaa waxaa shalay galab loo ambabixiyay magaalada Gaalkacyo oo la doonayey in maanta diyaarad laga saaro si loogu soo daweeyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse inta uusan gaarin magaalada Gaalkacyo uu u geeriyooday xanuun mudooyinkan hayey.
Allaha u naxariistee Maxamed Cali Shiriye ayaa isbitaalka magaalada Garoowe waxaa uu jiifay mudo maalmo ah iyadoo nabar lugtiisa soo gaaray uu keenay in la gooyo mid ka mid ah lugihiisa.

waxaana Xildhibaanka uu qabay cudurka Macaanka ama Sonkorta.Xildhibaanka ayaa waxaa uu ifka kaga tegay caruur fara badan oo dibada ku nool iyo xaas, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Banaadir Post
Koshin Yare.