Search This Blog

Wednesday, August 20, 2008

CAR YAA UJEEDADA KOOXDA INDHA-CADDE II CADDEEYA???? -


Waxaan beryahan maqlaa Yuusuf Indha-cadde oo ku celcelinaya 'cidaan anaga ahayni ma jirto', waa jihaadeynaa oo aqbali meyno wax ka yar in Diinta islaamka dalka lagu xukumo.


Haddiiba ay taasi run ka tahay waa wax fiican, yaase su'aashan iiga jawaabi kara?, dhowr sanadood oo uu ku amar ku taagleynayey gobolka Shabeelaha Hoose maalinba ha noqotee ma maqasheen xukun Islaami ah oo qof dambi galay lagu fuliyey, garsoor Islaami ah oo deegaankaas wali laga dhisay yaa arkay?.

Kasow dhibtaada dadka deegaankaas ay ku qabeen maamulkiiindha-cadde, waxaa jiray foolxumo badan oo deegaankaas ka jirtay sida in laga sameyey beero daroogada Xashiish-ka loo yaqaan lagu abuuro oo uu dabcan maamulkiisu ogaa jiritaankooda waxna lagama qaban.

Waxaan markaas isweydiyey ma jirin maalin hirgalinta shareecada Islaamka ay uga fududeed maalintaas ee muxuu u sameyn waayey maadaama uu gobolkaasi ahaa mid gacantiisa ku jiray oo aaney la wadaagin qabqablayaal dagaal oo kale...mise wuxuu
mabaa'didaan islaamiga ah qaatay markii ay maxkamaduhu ka awood roonaadeen saaxibadiis Muuse suudi..Qanyare iyo kuwii kale ee la midka ahaa.

Yuusuf Indha-cadde, dadka Soomalidu uma yaqaan Shakhsi diineed oo waxay xasuustaan hadaladiisa qabyaaladeysan ee uu waligiis jeedin jiray ilaa heer uu gaaray inuu xitaa qabiil kale sheegto..waxaan xasuustaa sanadkii 2004-tii mar uu garab milatari siinayey koox ka mid ahayd jabhaddii Raxanweynta ee RRA garabkii Xaabsade oo Baydhabo qabsaday in BBC-du weydiisay waxa isaga ka galay arrimaha gobolada Bay iyo Bakool oo aysan beeshiisu dagin inuu yiri, "walaalow hadde anigu inaan nin Digil iyo Mirifle ah ahay sow ma ogid".

Yaab badanaa!!, sanadkii 2006-da oo ay muqdisho ku hardamayeen Isbaheysigii sharta ee argagixiso la dirirka ayaan markale dhageystay Qanyare oo leh "aragagixisada ay magangaliyaan Xasan Daahir..Abuukar Cumar Caddaan iyo Indhacadde ayaan rabnaa inaan dalka ka saarno" iyo Indhacadde oo ka jawaabaya misna leh,"Qanyare waa nin Murusade ah ana Nin Ceyr ah ayaan ahay... waxaan hayana igama soo dooni karo".

Ufiirso waa intii uu socday dagaalki Argagixiso la dirirka iyo maxkamadaha uu Indhacadde madaxdeeda sare ka mid noqon doono maalmo yar ka dib,marka uu Qabiil ku faanaayo...ma ogi ma wuxuu hanuunay intii uu maxkamadaha ka mid ahaa mise wali wuxuu wadaa ujeedooyinka meel loo raaco la garan waayey ee ay leeyihiin kooxo soomaalida ka mid ah oo uu ku jiro.

Hadalada laga xishoodo ee Indha-cadde astaanta u ah waxaa ka mid ah inuu isugu yeero nin wax kasta ay isaga ka go'aan oo dadka kale ee howsha lawadaagana aysan waxba ahayn, xusuuso markale Shirkii Asmara Isbaheysigii lagu dhisay ayey kooxda Al-shabab iska diideen ka mid ahaanshihiisa iyo mabaa'diisa intaba inkastoo markaas lagu wareeray cidda Al-shabab hogaamisa ama u hadashada,waloow uu markii dambe hadlay Sheekh Mukhtaar Robow 'Abuu mansuur' oo sheegay inaysan iyagu shaqo ku lahayn Ururkaas oo ay isugu tageen wax ay ku tilmaameen Culimo iyo Cilmaaniyiin, dabadeed Indha-cadde haka jawaabo hadalkaas oo ha yiraahdo "ninkaas anigu ma aqaan,Shabaab anigaa ah..Maxkamado aniga ah..Isbaheysigana anigaa ah".

Ninka uu leeyahay ma aqaan, waa isaga ku xigeenkiisii maxkamadaha islaamiga ah, wuuna yaqaanaahe wuu yasayaa ileyn cidaan isaga ahayni waxba maahee, Magac-bixintuse ma iga qalloocatay haddii aan Sheekhul kulli ugu yeero Yuusuf max'ed siyaad.?. Wareysigii ugu dambeeyey ee lala yeesho ayaan dhageystay ee uu uga hadlay heshiiskii Jabuuti,hadalada ay Bulshadu ku miisaameen garashada Siyaasadeed ee Indha-cadde inta ay gaarsiinsantahay ayaa markan banaanka yimid markii uu yiri,"Sheekh Shariif meesha waa loo dhiibtay,wax uu saxiixi karo iyo ciduu matalana ma jirto..xabad ma joojin karo oo muqaawadu waa mideysantahay aniga oo xoghayihii difaaca ah ayaana madax u ah".mase caddeyn cidda Shariifka u far-jaawisa ee uu adeegaha u yahay.cajiib!, hadii uu isagu muqaawada madax u yahay sow isagana Madax looma aha?.

Hadiise uu madaxdiisa ku caasiyo siduu rabaa inuu isna madax ku noqdo..dadka aan xog-ogaalka ahayn ayuu ku qaldayaa inuu howsha oo dhan isagu hayee,waxaan hubaa inuusan muqaawada dhaxdooda ka ahayn sida uu isagu isku ekeysiisanayo dadka
qaarkiisna u heystaan,ciduu hoggaamiyo iskaba daaye.
Aanse dadka u bayaanshee muqaawada gudaha horta yaa hogaamiya..kama hadlayo Al-shabab oo falaagonimadiisu caddahay oo kale waxaanse ka hadlayaa Maxkamadaha Islaamiga ee gudaha ka dagaalanta, aan qaarkood ka xuso hoggaanka muqaawada: Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, ku xigeenka Sheekh Shariif, waa madaxa ugu sarreeya muqaawamada gudaha, Sheekh Max'uud Ibraahim Suuley waa afhayeenkooda, Sheekh Xasan Max'uud (Sh.Xasan dheere) waa ninka u qaabilsan Gobolada Banaadir, Shabelaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, Cabdiraxiim Ciise Caddow oo dhanka dagaalka uga hadla iyo xubin kale oo dhanka milatariga u
qaabilsan oo aanan rabin inaan sheego sababo jira owgood iyo Rag kaloo farabadan.
Ragaas aan sheegayo ayaa muqaawada gudaha qaabilsan siyaasad, milatari iyo dhaqaale ahaanba,waana Ragga Sheekh Shariif sida tooska ah ugu xiran oo uu toos ugu gudbiyo dhaqaalaha dibadaha laga helo ee howsha oo dhani ku socoto.Markaas Indha-cade intuu ka dagaalamaa oo ay ciidamadiisu joogaan...tiro aan sidaas u badneyn oo beeshiisa ah ayaa in muddo ah dagaalka wax uga jirtay iyagiina intoodi badneyd Aadan Ceyrow, Alle ha u naxariistee ayey raaceen, qaarkoodna muqaawada muqdisho ka dagaalanta ee Ragga aan sheegay hogaamiyaan ayey ku jiraan.
Indha-cade wuxuu iska dhigay nin xabad-joojin la gaaraa ay isaga ku xirantahay, sida uu sheegayna Shariif-ka meesha waa loo dhiibtay oo wax uu hayo ma jirto..mase la isweydiiyey deegaanka uu Indha-cadde joogo uuna deegaan ahaan kasoo jeedo ee Galguduud, degmooyinka Dhuuso-mareeb, Guriceel iyo Matabaan oo Hiiraan raacsan intaba dagaal kama jiro,madaxdii ay Dowladda Cabdulaahi Yuusuf u magacowdayna waa joogaan oo meesha lagama eryin, Gobolka Sh/hoose oo uu ka talin jirayna waxaa ka taliya maamulka Dowladda KMG tiiyo ay waliba madaxdiisa ku jiraan kaaliyeyaashiisii hore, muqaawada Indha-cadde madaxa u yahayna xabad kama ridaan!!, Magaalada Marka oo Qabashadeedu muhiim u tahay Mucaaradkana looma socdo, sabab?saaxibadiis oo dowladda ciidanka Itoobiya dalka keentay ka tirsan ayaa maamula, waana meesha uu rabo Indha-cadde inuu markale ka taliyo haddii uu ku guuleysto fulinta ujeedooyinka aaney cidi wali garan ee uu garwadeenka ka yahay, waxayse dadka qaarkiis aaminsanyihiin in geeddiga lagu jiro halka in lagu furo la rabo ay tahay rabtii fowdada, nabad-la'aanta iyo maamul-nacaybka ee ay Soomalida qaarkeed ku caan-baxeen ridistii Xukuumaddii Milatariga ka dib 1991-dii, laakiin Sheekh shariifka uu leeyahay waxba ma hayo deegaanka uu kasoo jeedo ee Shabelaha dhexe iyo galguduud bari, sida degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad ma jirto hal degmo oo cid Dowladda ka tirsani joogto, muqaawada ayaana ka tilisa.
Markaas aan isweydiino meesha uu Indhacadde ka dagaalamo waa xagee?, aawayse xoogga uu ku faanayo ee hor-istaagi doona haddiiba uu hirgalo heshiiska jabuuti lagu gaaray ee saldhigiisu yahay in Itoobiya dalka laga saaro 120 maalmood gudahood mise wuxuu iska sheegan doonaa hogaaminta dagaalka caalamiga ah ee ay Alshabab wadi doonaanaan muddo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto.

Al-shabaab iyo Indhacadde kooxdiisu isku mabaa'di maahan waxayna u yaqaanan inuu yahay qabqable dagaal marka dib loo xasuusto soo jeedintii Aadan Ceyrow ee ahayd inuu indhacadde hubka ka dhigo maalmihii Muuse suudi, Qanyare, Bashiir Raage iyo Botaan Ciise hubka laga dhigaayey,laakiin ay taas ka diideen Sheekh shariif iyo Sheekh Xasan Daahir.

Kooxda Alshabaab, hadafkoodu waa cadyahay oo waxay dagaal kula jiraan inta aan Diinta Islaamka heysan ee dunida joogta, dagaalkana ma joojinayaan xataa hadii ciidamada itoobiya dalka ka baxaan, sida uu caddeeyey Abuu mansuur oo afhayeen u ah, ujeedadooduna waa ka fogtahay inay Soomaliya dowlad Islaami ah ka dhisaan oo waxay ku haminayaan inay adduunka oo dhan dadka jooga muslimiyaan, waase Riyo wanaagsan oo dariiqii ay ku rumoobi lahayd aysan hadda ku taagneyn.
Dhab ahaan kooxdani meelo kale ayey la heystaan oo ma jirto cid og madaxdooda rasmiga ah..hogaamiyahooda cidi ma taqaan, waxa kaliya ee la ogyahay iney Amirkooda ugu yeeraan Nin ay ku magacaabaan Sheekh Mukhtaar Abuu zubeyr oo cod afcaribi ah soo duuba sida aan ka dhageystay bogga ay Internet ka ku leeyihiin markaas iyaga arrintoodu waa naga fogtahay waa maxayse ujeedada dhabta ee Indha-cade iyo kooxdiisu?, (kooxdiisa ulama jeedo Qabiilkiisa), Soomaali badankeed ma aaminsana in Indhacadde Diin u dagaalamayo oo taas lagama dhaadhicin karo,laakiin in Itoobiya dalka laga saaro ayuu u dagaalamayey markii hore waa macquul haddase waa diiday hadii la yiri nabad halagu saaro..'xoogbey kusoo gashaye xoog ayaa looga saaraa na' waa aragtida ay wada qaateen Sheekh Xasan Daahir iyo Sheekh Xasan Turki oo uu Mareykanku doonayo dilkooda ama soo qabashadooda,kuwaasna ujeedka dagaalkoodu waa cadyahay oo waxay difaac uga jiraan cidkastoo in dalkaan Dowlad loo dhiso oo nabad lagusoo dabbaalo dooneysa, ileyn iyaga dani uguma jirto oo waxay rabaan meeley ku dhuuntaan oo maamul aysan iyagu wax ka ogeyni ka dhalan ama deegaanno qabaa'illo xukumaan oo lagu dhax dhuunto.

Haddiise dhan kale laga eegana heshiis ayaa dantoodu ku jirtaa oo ugu yaraan waxaa laga hadli kari lahaa sida mustaqbalkooda laga yeelayo markaasoo ay ilatahay in laysla garan lahaa inay dalkooda nabad ku joogaa oo ugaarsiga laga daayo
iyana ay iska daayaan waxa loo heysto, hadiiba ay jirto.

Indha-cadde muxuu rabaa...inuu isagu madax noqdo..in beeshiisu hoggaanka dalka qabato...mayee fowdada iyo maamul la'aanta ayuu rabaa si uu markale Gobol uusan u dhalan xoog ugu heysto...tiisa uma hadlayee cajalad kale ayaa ka dhex hadleysa...mayee sidaas ayuu rabaa.. ayey ka badin waayeen dad badan oo aan la sheekeystay.

Laba Sheekh Xasan iyo Alshabaab oo ay soo barbaariyeen waxay dab iyo bansiin yihiin meeshii Mareykan soo galo, si dadban ama toos ah, waxay sida Itoobiya oo kale cadow la yihiin ciidan kasocda Qaramada Midoobay oo ay kusoo halqabsadaan dhibaatada ciidan shisheeye keenisteedu leedahay dagaalkii 1993-dii dhax maray Milishiyadii Jen.Caydiid iyo xoogaga Al-itixaad oo dhinac ahaa iyo US/UNOSOM khasaarihii ka dhashay iyo dadkii badnaa ee ku nafwaayey, qiilka ay u sameynayaan na waa kaas.

Itoobiya in dagaal kaliya lagu bixiyo ayey ku andacoonayaan..mase sheegayaan waxa diidaya in wadahadal lagu bixiyo iyadoo aaney wiilal qaali ah nooga dhiman. taas haba iska diidaane dagaalna kaligood kuma bixin karaan...Ciidan caalami ah ma rabaan oo waa Ajnabi,xataa haddii Dalalka Muslimka ah laga keenayo, wax dadka u cuntama oo taas baddalkeeda dalkan lagu xasiliyana ma hayaan..sida muuqatana ujeedkoodu intaas oo dhan maba ma aha ee wax kaloo u qarsoon ayaa jira..yaase yaqaan?.
Haddii la yiri Xabashi ha baxdo oo badalkoodi hala keeno kuwo caalamka ka socdo si loo badbaadiyo dadka dhibaatadadu ku heysato gudaha iyo hareeraha Muqdisho oo xilina Qorraxi heyso..xilli qabow haayo..xilli kalena roob darani ku dul da'ayo maxaa loo diidaa??,Ishooduse ma qabato miyaa duruufaha kala daran ee dadkaas heysata?..hooyada agoonta ku dhex heysa waab yar oo biyo dhex-ceegaagaan, waayeel gaajo darteed indhihii god sii galeen..umusha naaskeedii caano beelay ee banaanyada ku dayacan, noloshooduna ku tiirsantahay gargaarka caalamiga ah.
Malaheyga, waxa loo dagaalamayo maba ahan danta Dadka iyo Dalka
ee tan shakhsiga ah ayaa ka ka horreysa waxaas oo dhan, si dadkaasi guryahoodi ay dib ugu laabtaan marka laga saaro ciidanka cadowga Itoobiya ee ka barakiciyey, lana helo kuwo kale oo aan madaafiic culus,Tank iyo Pm, ku garaaci doonin xaafadaha iyo Suuqyada dadku ku badanyahay, gargaarka dadka tabaaleysan loo wadana ka dhiciya tuugada maxaa loo diidayaa...haddii aaney dano kaloo naga qarsooni meesha ku jirin?.

Ugu dambeyntii waxkasto diidnay Xal maahe keena wax dadkan iyo dalkoodaba dani ugu jirto ama diida koley Duul kalaad dano wadaagtaane.

Waxaa Qoray:
Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero