Search This Blog

Wednesday, August 20, 2008

XASAN DAAHIR IYO AFARWARKI SIDEY U ARKAAN SHIRKA KA SOCDA DALKA JIBUUTI.

Taariikhda 15ka Agoosto, sidii ballanka aha waxaa magaalada Jibuuti ka furmay qaybti labaad ee shirki dibuheshiisiinta Soomaaliya, shirkaan waxa la rajeynaya in labada dhinac oo kala ah dawladda iyo mucaaradka ay ku wada saxiixaan meel marinta go'aannadii laga soo saaray qaybtii kowaad ee isla shirkaan oo kal hore lagu qabtay Jibuuti.
Waxaa laga rajo qaba in shirka haddeer ka socda magaalo madaxda dalka Jibuuti, inay ka soo baxaan talooyin meel mar ka dhiga go'aannadii ka soo baxay shirki midkaan ka horreyey, ha yeeshee ma muuqato in rajadaas ay noqonayso mid dhaboowda. Waa suragal in xubnaha labada dhinac oo isku hor fadhiya gogosha ku fidsan Jibuuti inay wada saxiixaan dokumenti xambaarsan qoraallo muhiim ah oo aqriskooda iyo dheegeysigooda loo wada sacab-tumo lagana soo jeediyo bogaadin baahsan. Lakiin waxa durba soo ifbaxaya inay adkaandoonto hirgelinta inta ku xusan dokumentigaas laysku raacayo in labada dhinac ay wada saxiixaan.
Arrinta kowaad ee dibuheshiinta ahna tan ugu muhiimsan waa xabbad joojin guud oo loola jeedo joojinta dagaallada dalka laga wado, marka haddii la waayo xabbad joojin oo aysan dagaallada joogsanin ma jiri karto dibuheshiisiin. Haddaba sida la ogsoonyahay, dagaalladaan ku baahay badi ahaan gobollada Soomaaliya waxaa hoggaaminaya hal shaqsi, kaasoo ah Xasan Daahir Aweys, sida la arkayana ninkaan dagaaallada wada waa ka maqanyahay shirka maalmahaan ka socda Jibuuti, wuxuuna horey u caddeeye ina Daahir inuusan aqoonsanayn dawladda fkmg ee Soomaaliya kana qayb galaynin shir la xiriira wada xaajood lala gala dawladdaan wuxuuna si gaar ah u sheegay inuusan oggolanaynin wixii ka soo baxa shirka Jibuuti.
Dhinaca kale kuwa uga qayb galaya magaca mucaaradka shirka Jibuuti ha yeeshee ah hal garab oo ka mid ah, mucaaradka ma laha awood ay ku xakameeyaan dagaallada waddanka ka socda. Marka waa sababtaas midda keneysa inay waxba ka suuroobin rajada laga qabo inay hirkasho dibuheshiisiin laga soo go'aamiyey shirkaan ka socda Jibuuti, mar haddii goobta ay ku fidsantahay gogosha shirka ka maqanyahay shaqsigii sida tooska ah hogaaminaya dagaallada la rabo in la joojiyo.
Waxase jira arrimo dhalinaya so'aalo, sida mowqifka ra'isalwasaaraha Nuur Cadde oo muujinaya inuu ku kalsoonyahay hirgelinta dibusheshiisin ka soo baxda shirka Jibuuti. So'aasha ugu muhimsan oo lays weydiinayo waxaa weye: maddaama shaqsiga keli oo joojin kara dagaalladaan socda u yahay Xasan Daahir, marka Nuur Cadde, ma xiriir hoose oo sir ah ayu la yeeshay Xasan, sidaasna ay ku gaareen heshiis la xiriira joojinta colaadda iyo dagaallada,si loo hirgeliyo dibuheshiisiinta?
Haddii arrinta ay tahay sidaas kor ku xusan waa mid wanaagsan, waxaana jirta rajo laga qabikaro in la helo dibuheshiisiin hirgesha, waxase haddana soo baxayso so'aasha kale oo ah: xubnaha garabka mucaaradka oo u hoggaaminayo ina Daahir maxay weli uga maqanyahiin madasha u shirka dibuheshiisiinta ka socdo? iyo Xasan Daahir ma aqbalidoona oo ma xurmeyndoona, go'aamo ay soo saareen kuwi asiga ay isku ballan fureen oo uga soo tegay xaruntii Casmara?. Haddaba way adagtahay si so'aashaan dambe ay jawaabteeda ku noqoto "haa".
Ninkaan Xasan Dahir oo ah shaqsiga carqalaynta ku haya dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya, asigana waxa hor taal carqalad walwal iyo cabsi ku haysa oo ka hor taagan inuu shaqsi ahaan si xor ah u dhaqdhaqaaqo, ku aado safarro dibedda ah, mise gudaha Soomaaliya ku socdaalo, kuna kormeero goobaha ay ka socdaan dagaallada u asiga huriyey, marka carqaladda hor tal ina Daahir waa argaggaxisanimada asiga lagu sifeeyey iyo magaciisa oo lagu daray liiska argaggixisada caalamka. Sidaas daraadeeda waxaa suuragal ah in ra'iisalwasare Nuur Cadde u ka ballan qaaday Xasan Daahir inu gacan ku siinayo sidii asiga magaciisa looga saari lahaa liiska argaggixisada caalamka.
Middaan ka saaridda liiska madow waa arrin suuragal ka dhigi karta in Xasan Daahir uu talo ka dhageysto Nuur Cadde si u uga baxo liiska argaggixisada, ha yeeshee taas ka sokow haddii u Xasan joojiyo dagaallada asigoo aqbalaya talooyinka ra'iisalwasaraha, kaddib markii (mise haddiiba) magaciisa laga saaro liiska madow, muxuu helaya oo u Nuur Cadde ballanqaadikara oo u ina Daahirna ku qanci kara? Jawaabta waa: "waxba" ma jiraan wax u ra'iisalwasaraha ballan-qaadikaro oo Xasan qanciya maxaa yeelay arrinta keli oo u Xasan Daahir ku qancayo waa asigoo helaya madaxweynenimo, taasna mahan mid uu ballan-qaadikaro wasiirka kowaad, marka kalsoonida u muujinayo Nuur Cadde oo la xiriirta rajada uu ka qabo in shirka Jibuuti ay ka soo baxdo dibuheshiisiin dhab ah oo hirgasha, rajadaas waxay u ektahay toobin lagu hayo laf iska cad.
Dhinaca kale waxaa jirta arrin ka si wada culus inta an kor ku xusnay oo la xiriirta hab dhaqanka Xasan Daahir. Soomaalida waxay tiraahda: "hal libaax arkayso ma godlato", ina Daahir Aweys waxaa tabataagan madaxweynaha Eritreya, Afawarki oo an dooneynin in Soomaalida heshiiso oo ay is afgarato, si ay uga maarmaan ciidamo shisheeye, gaar ahaan Eritreya waxaa danteeda ah in ciidamada Etiyobiya aysan ka baxin Soomaaliya, sidaas daraadeeda Afawarki wuxuu qorsheeye kuna dadaalaya inuu carqaleeyo dibuheshiisiin ka hirgasha Soomaaliya marka wuxuu si xoojinaya fowdada, colaadda iyo dagaallada ka socda Soomaaliya gudaheeda si an looga maarmin joogitaanka ciidamada Etiyobiya, marka madaxweynaha Eritreya si u hirgeliyo qorshahiisa ku aaddan carqaleynta dibuheshiisiin ka dhalata dalkaan wuxuu u adeegsanaya ina Daahir iyo kuwa u hoggaaminayo.
Haddaba Xasan Daahir, dan uma ah dibuheshiisiin Soomaaliya ka dhalata, ninkaan waxaa u dan ah inu xokun xoog ku qabsado, marka haddii aysan u suurrobin in dagaalladaan u wado inu ku qabsado xukunka dalka Soomaaliya, wuxuu tefaxeedsanyahay inu fuliyo qorshaha u wato madaxweynaha Eritreya oo ah is hor taagidda dibuheshiisiin kasta oo loo soo abaabulo Ummadda Soomaaliyeed.
Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com